Shirkii isbeddelka cimilada ee COP29 oo ka socday magaalada Baku ee dalka Azerbaijan ayaa la soo gabagabeeyay. Inkasta oo loo baahday ku dhawaad 32 saacadood oo dheeri si loo soo gunaanado doodii ugu waynayd ee taalay shirka taasi oo ahayd maalgelinta cimilada.
COP29 waxaa sanadkan diiradda ugu wayn la saarayay sidii loo dajin lahaa yool cusub oo maalgelinta waxka qabashada cimilada ah (NCQG). Dalalka horumaray oo iyagu ah kuwa sababay isbeddelka cimilada ayaa laga doonayay inay ku yaboohaan lacag sanad leh oo la siiyo dalalka soo koraya — oo ay ugu horeeyaan kuwa saboolka ah — si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada una yareeyaan qiiqa ay sii daayaan.
Hase ahaatee, jimcihii oo ahaa maalinkii ugu dambeysay ee shirka, dalalka horumaray ayaa soo bandhigay soojeedintooda maalgelinta cimilada taasi oo noqotay $250 billion sanadkasta ilaa sanadka 2035. Tani waxa ay si wayn uga caraysiisay dalalka soo koraya, kuwaas oo dalbanayay ugu yaraan $1.3 trillion sanadkii.
Ismari waaga lacagta ayaa taagnaa ilaa dhamaadkii shirka, oo ay ahayd in lasoo xiro maalinimadii jimcaha balse ugu dambayn waxa uu soo gaaray Axadda, markaas oo dallaka horumaray ay sare u qaadeen yaboohooda NCQG oo ay gaarsiiyeen $300 oo billion. lacagtan ayaa noqonaysa mid si sanadle ah loo siinayo dalalka soo koraya si ay ula qabsadaan dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.
Dallaka sookoraya ayaa aad uga niyad jabsan yoolka cusub ee maalgelinta cimilada oo aad uga hooseeya intii ay filanayeen. Waxa ay ku tilmaameen miisaaniyad aan waxba ka qaban karin dhibaatada cimilo ee ay la kulmayaan. Sidoo kale waxa ay dalalka horumaray ku dhaliileen qiimaha ay ku yabooheen.
“$300 Billion waa lacag aad uga yar intii loo baahnaa, ma aha cadaaalad, mana filiayo inay taageeri doonto dadaalada dalalka soo koraya ay wax uga qabanayaan dhibaatada cimilada”. Waxa sidaa sheegay mid kamid ah wafuudii ka qaybgalaysay shirka cimilada.
Dallaka soo koraya oo dhan ayaan hadda aad ugu faraxsanayn heshiiska lagu gaaray Baku, iyada oo durba dhawr dal oo India ugu horeyso mucaaradeen, sababtoo ay si wayn ayuu uga hooseeyaa dhaqaalihii la filayay oo ahaa in dallaka soo korayaa ay helaan ugu yaraan $1.3 trillion sanadkii.
- Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamayn, iyo Xalka Isbeddelka Cimilada
- Halkan Ka Akhri: Taariikhda ShirkaSanadlaha ah ee Isbeddelka Cimilada
Yoolka cusub ayaa badalaya bartilmaameedka hadda lagu shaqeeyo oo ah $100 billion kaasi oo dalalka horumaray ay dajiyeen sanadkii 2009, intii uu socday shirkii COP15 ee ka dhacay Copenhagen. Waxaa dib loo eegi doonaa 2028 iyo mar kale 2030. Wadamadu waxay sidoo kale kawada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalahan cimilada inta uu socdo COP30 oo ka dhacaya Brazil sanadka soo aadan ee 2025.
Khubarada isbeddelka cimilada ayaa hore uga digay in qiime kasta oo ka hooseeya $1 trillion ay keeni karto in dallaka soo korayaa ay ka niyad jabaan dadaalada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada iyo ka mira dhalinta heshiiskii Paris oo dhigayay in dallaka oo dhan ay iska kaa shadaan sidii loo yareyn lahaa qiiqa hawada lagusii daayo, si heer kulka dhulka loogu hayo 1.5°C ama ugu badbnaan 2°C kahor dhamaadka qarniga.

