Soomaaliya waxa ay wajahaysaa xaalad cakiran oo ku aaddan dhibaatooyinka deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimilada. Waxyeelada ka dhalatay abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha khasaaraha ba’an gaysta, tayo dhaca dhulka iyo xaalufka kheyraadka dabiiciga ah ayaa sii adkeynaya nolosha bulshada Soomaaliyeed. Dhibaatooyinkan waxa ay keeneen cunto yari baahsan, biyo la’aan barakac, iyo naaqus ku socda tirada xoolaha Soomaaliya. Waxsoosaarka beeraha, oo awalba yaraa hayeeshee kamid ahaa ilaha ugu muhiimsan ee nolosha iyo dhaqaalaha bulshada ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo ka imaanaya musiibooyinka ka dhashay doorsoonka cimilada.
Intaa waxaa sii dheer, Soomaaliya waxa ay caqabado ka haystaan helitaanka maalgelin ku filan oo loogu talagalay la qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhimista saamayntiisa, taasi oo adkaynaysa in dalku si dhamaystiran wax uga qabto dhibaatooyinka haysta. Wasiir Bashiir Mohamed Jaamac (Goobbe), oo loo magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, waxaa horyaalla waajibaad culus oo ah hagidda dadaallada ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo hagaajinta nolosha bulshada.
Xilka wasiirka cusub waxaa la socda mas’uuliyad ballaaran oo ku saabsan isku xirka saamileyda deegaanka, hufidda maamulka dhaqaalaha cimilada, iyo nooleynta dadaalada waxtarka leh oo lagu wajahayo doorsoonka cimilada. Green Media Initiative-GMI oo ah warbaahin ka shaqaysa una ololeysa Soomaaliya Cagaaran waxa ay halkan kusoo gudbisay Lix qodob oo muhiim ah oo bahda deegaanku ka filayaan wasiirka cusub si uu dalka ugu hoggaamiyo horumar cagaaran oo waara, ugana hortago musiibooyinka deegaanka ee sii kordhaya.
1. Dhisidda Kalsoonida iyo Xoojinta Wada Shaqeynta Saamileyda Deegaanka.
Wasiirka cusub waxaa looga baahan yahay inuu abuuro iskaashi waxtar leh oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada daneeya ka shaqaynta deegaanka iyo doorsoonka cimilada, oo ay ka mid yihiin hay’adaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah, warbaahinta, jaamacadaha, ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo hay’adaha caalamiga ah. In la xaqiijiyo isku-xirnaan iyo wada shaqeyn rasmi ah waa talaabo lagama maarmaan ah oo hadda maqan, taasi oo sare u qaadi karta meelmarinta qorshayaasha la qabsiga isbeddelka cimilada iyo yaraynta waxyeeladiisa. Iskaashigan wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay xaqiijinta mashaariic guuleysta, sare u qaadidda wacyiga bulshada, fidinta aqoonta cagaaran, iyo fulinta qorsheyaasha waara ee deegaanka.
2. Daadajinta Mashaariicda si Sare loogu Qaado Maareynta Deegaanka iyo La Qabsiga Saameynta Cimilada
Maareynta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada waxay u baahan yihiin tallaabooyin degdeg ah oo waxtar leh. Wasiirka waxaa horyaalla muhiimad weyn oo ah in mashaariicda deegaanka loo daadejiyo gobollada iyo bulshooyinka ay saameynta ugu weyn ka soo gaartay abaarta, xaalufka, iyo isbeddelka cimilada. Waxay sidoo kale muhiim tahay in mashruucyadu ku saleysnaadaan cilmi iyo xog, laguna dhex daro fikradaha bulshada ee ku nool meelaha ay saamaynta ugu daran ka taagan tahay. Tani waxay sare u qaadaysaa waxtarka iyo joogtaynta horumarka shaqada wasaaradda iyo in faa’iidooyin la taaban karo laga helo mashaariicda.
3. Ka Qeyb Galinta iyo Mudnaansiinta Bahda Warbaahinta.
Warbaahinta waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa faafinta wacyi gelinta iyo aqoonta ku saabsan isbeddelka cimilada iyo xalalka lagu yaraynayo saameyntiisa, taasi oo xal wayn u noqon karta aqoon yarida bulshada ee xaaladda isbeddelka cimilada, oo keentay in bulshadu aysan ka qayb noqon dadaalada cagaaran ee dalka. Wasiirka cusub waxaa laga filayaa inuu abuuro olole ballaaran oo wacyi gelin ah isagoo kaashanaya warbaahinta. Waxay sidoo kale muhiim tahay in warbaahinta loo tababaro sida loo soo saaro xogta saxda ah ee khuseysa isbeddelka cimilada, si ay bulshada u baraarugto una qaado tallaabooyin waxtar leh oo ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo mustaqbalka jiilasheena dambe.
4. Abuurida Madal Qaran oo Mideysa Dadaallada iyo Codadka Cagaaran ee Deegaanka.
Waxaa muhiim ah in la abuuro madal qaran oo ay ku kulmaan dhammaan saamileyda daneynaya arrimaha deegaanka iyo cimilada. Madashan waa in uu noqdaa mid dhiirrigeliya wada shaqeynta iyo is-dhexgalka fikradaha waxtarka leh ee ku saabsan maaraynta deegaanka. Waxa kale oo muhiim ah in madashan ay bixin karto fursad lagu hubiyo in dhammaan qorshayaasha iyo mashaariicda lagu fuliyo qaab mideysan, si looga fogaado khilaafyo iyo isku-dhicidda habraacyo aan is waafaqsaneyn.

5. Fidinta Aqoonta Cagaaran Si Sare Loogu Qaado Fahamka Bulshada
Kobcinta fahamka iyo aqoonta bulshada ayaa laf-dhabar u ah xallinta dhibaatooyinka deegaanka. Sidaas daraadeed waa in lasoo kordhiyaa barnaamijyo waxbarasho cagaaran (Green education) oo dhisa aqoonta bulshada. Barnaamijyada Waxbarashada Cagaaran waxa lagu dari karaa dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare, si carruurta iyo dhalinyarada loogu abuuro wacyi ku saabsan ilaalinta dhirta, dhulka, iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah. Sidoo kale, jaamacadaha waa in laga taageeraa koorsooyin lagu baranayo maaraynta deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Bulshada inteeda kalena waa in si firfircoon loogu dhiirrigeliyaa ka qaybgalka waxqabadka deegaanka, iyadoo la adeegsanayo tababaro, ololeyaal wacyigelin oo warbaahinta la marsiinayo, iyo kulamo guud. Hirgelinta waxbarashada cagaaran ayaa Soomaaliya usoo saari doonta doonta jiil aqoon sare leh oo u taagan difaaca iyo badbaadinta deegaanka.
6. Xaqiijinta iyo Adeegsiga Hufan ee Maalgelinta Cimilada.
Wasiirka cusub waxaa laga rajeynayaa inuu xoogga saaro sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd maalgelinta caalamiga ah ee loogu talagalay wax ka qabashada isbeddelka cimilada. Sida hubinta in Soomaaliya ay saami ku filan ka hesho lacagaha loogu talagalay taageerada mashaariicda la qabsiga iyo dhimista saamaynta cimilada (Climate Finance). Isbeddelka cimilada waa dhibaatada ugu wayn ee haysata Soomaaliya, amni la’aanta kadib. Wasiirka waa inuu hubiyaa in lacagaha lagu helo magaca cimilada ay maamulaan gacmo sax ah, loona isticmaalo si waxtar leh.
Wasiirka cusub ee deegaanka Mudane Bashiir Mohamed Jamac (Goobbe), waxa uu haystaa fursad qaali ah oo uu ku mideyn karo dadaallada lagu badbaadinayo deegaanka, isla markaana kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Green Media Initiative-GMI waxa ay u rajeynaysaa in wasiirku uu fuliyo tallaabooyin horumarineed oo geesinimo leh si loo xaqiijiyo mustaqbal cagaaran, waara oo Soomaali oo dhan ay ku naaloodaan.