Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, dadka ayaa si aad ah u dareemay heer kulka sii kordhaya sannadba sannadka ka dambeeya. Bilaha Maarso iyo Abriil, oo horey loogu yaqaanay kuleylka iyo huurka daran, ayaa sanadkan ay dadku ku tilmaameen inay gaareen heer ay adagtahay in la dulqaato.
Tani ma ahan wax iska yimid — waa qayb ka mid ah dhibaato weyn oo caalami ah: Isbeddelka Cimilada.
Dunida oo dhan, kuleylka daran iyo masiibooyinka la xiriira isbeddelka cimilada ayaa sii kordhaya. Sanadkii 2023 ayaa si rasmi ah loogu diiwaangeliyay inuu ahaa sannadkii ugu kululaa muddo 175 sano ah oo cimilada la cabbirayay — ilaa uu sanadkii 2024 jabiyay rikoodhkaas oo noqday midka ugu kulul. Hadda, billowga sanadkan 2025, waxaa jira calaamado aad u cabsi badan oo muujinaya in xaaladdu kasii dari karto.
Sida uu daabacay Copernicus Climate Change Service, Bishii Janaayo 2025 waxa ay ahayd Janaayadii ugu kululeyd ee abid laga diiwaan geliyo caalamka. Sidoo kale, sahan oo uu daacay Berkeley Earth waxay muujisay in Maarso 2025 la diiwaangeliyay heerkul aad u sareeya, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah bilaha ugu kulul ee la xasuusto.

Tani waa isbeddelka cimilada oo si toos ah u saameynaya dunida. Waxay beddeleysaa xaaladda meeraha aan ku nool nahay, waxayna si toos ah u taabaneysaa: nolosha dadka, deegaanka, beeraleyda, xoolaha, meerta nololeedka duur-joogta, ilaha biyaha iyo dhaqaakaha guud ahaan.
Bulshooyinka caalamka oo dhan ayaa si degdeg ah u raadinaya xalal ay ku badbaadaan kuna difaacaan mustaqbalkooda. Hayeeshee Soomaaliya — oo ka mid ah waddamada ugu nugul ee ay saameyso isbeddelka cimilada — diyaar garowgeeda wali aad ayuu u hooseeyaa.
Sababta ugu weyn waa faham la’aanta baahsan ee la xiriirta waxa isbeddelka cimiladu yahay, sida uu u dhacayo, iyo sida uu u halis gelinayo nolosha maalinlaha ah ee dadka. Dad badan ma haystaan xog ku filan, qaarna xitaa wey ka shakisan yihiiin jiritaanka isbeddelka cimilada.
- Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada
- Halkan Ka Akhri: Sida Isbeddelka Cimiladu U Saameeyay Soomaaliya.
Sidee xal loogu heli karaa dhibaato aan si fiican loo fahmin?
Anaga oo ah Green Media Initiative (GMI), waxaan aaminsanahay in tallaabada ugu horreysa ee loo maro adkeysiga iyo u diyaar garowga ay tahay aqoonta. Sidaas darteed, waxaan bilaabaynaa barnaamijyo wacyigelin iyo aqoon-dhis ah oo loogu talagalay in si cad loogu sharraxo isbeddelka cimilada, looguna xiro nolosha maalinlaha ah ee bulshada, si loo dhiirrigeliyo tallaabo wadajir ah oo bulshadu qaado.
Himiladeennu waa inaan dhisno bulsho xog ogaal ah oo awood u leh inay fahamto waxna ka qabato saamaynta daran ee ay kala kulmayso doorsoonka cimilada iyo caqabadaha kale uu uu wajahayo deegaankeena.
HALKAN KA DAAWO MUUQAAL SOO KOOBAYA MOWDUUCA.
