Taariikhda: 8–10 Sebteembar 2025
Goob: Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa (AICC)
Shirarka Hordhaca ah: 5–7 Sebteembar 2025
Hordhac Ku Saabsan Shirka ACS2
Shirweynaha Cimilada Afrika ee Labaad (Africa Climate Summit 2 – ACS2) waxaa martigelinaysa Dowladda Itoobiya, iyadoo kaashanaysa Midowga Afrika (AU), waxaana lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa inta u dhaxaysa 8–10- ka bisha Sebteembar. Shirkan ayaa dhacaya laba bilood ka hor shirweynaha caalamiga ah ee COP30, oo sanadkan ka dhacaya Brazil, kaasi oo ah shir caalami ah oo sanadkasta si joogta ah looga yeesho arimaha isbeddelka cimilada ee ka taagan dunida.
Shirka Cimilada ee Labaad (ACS2) ee qaaradda Afrika waxa uu noqonayaa marxalad istaraatiiji ah oo muhiim u ah qaaradda si ay u qeexdo mudnaanteeda iyo ballanqaadyadeeda, isla markaana ay u hormariso xalal Afrikaan ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo dhiirrigelinaya la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo beddelidda nidaamyada nololeed iyo dhaqaale ee qaaradda.
Waxaa lagu wadaa in ka badan 20,000 ka-qaybgalayaal ay yimaadaan, oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha iyo madaxda dalalka Afrika, go’aan-qaadayaasha kala duwan, khubaro cimilada ah, hay’adaha maalgelinta, ganacsatada, iyo bankiyada, dhalinyarada, bulshada rayidka ah, iyo warbaahinta.
Milicsiga Shirkii Koowaad ee Cimilada Afrika – ACS1 Nairobi 2023
Shirkii ugu horreeyay ee Cimilada Afrika (ACS1) ayaa dhacay intii u dhaxeysay 4–6 bisha Sebtembar 2023, magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaana martigeliyay Dowladda Kenya. Madashan oo lagu qabtay Kenyatta International Convention Centre (KICC), ayaa isu keentay in kudhow 30 kun oo ka qeybgaleyaal ah oo ka kala socday madaxda siyaasadda Afrika, qaramada midoobay, midowga yurub, ganacsiga gaarka loo leeyahay, jaamacadaha, khubaro cimilada ah, iyo hogaamiyeyaal kale.

Ujeeddada ugu weyn ee shirku waxay ahayd in Afrika la siiyo madal xoog leh oo ay kaga hadasho khataraha isa soo taraya ee isbeddelka cimilada iyo culayska dhaqaale, bulsho, iyo bani’aadantinimo ee uu wato. Waxaa madasha ka muuqatay niyad-jab weyn oo ka dhashay sida hay’adaha maaliyadeed ee reer galbeedku u gaabiyeen taageerada dhabta ah ee qaaradda.
Dhamaadkii shirka ayaa lagusoo bandhigay Baaqa Nairobi (Nairobi Declaration), kaas oo ay si wadajir ah u ansixiyeen dhammaan dalalka ka qeybgalay. Baaqaasi wuxuu xoogga saaray baahida loo qabo maalgelin ballaaran oo lagu horumarinayo tamarta dib loo cusboonaysiin karo, suuqyada kaarboonka, iyo xalalka deegaanka ee Afrika hoggaamiso
Ujeedada Shirweynaha Labaad ee ACS2
Shirkan waxa lagu doonayaa in lagu mideeyo codka Afrika ee doodaha cimilada caalamiga ah, korna loo qaado maalgelinta cimilada oo weli ah arrin muran iyo dood weyn ka taagan tahay, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigi doono xalal hal-abuur leh oo maxalli ah. Ujeeddada shirku waa in la gaaro go’aan mideysan oo Afrika la tagto shirka cimilada ee COP30, in la dhiso xidhiidhyo cusub oo iskaashi iyo maalgelin, in la qabto bandhigyo farsamo iyo hal-abuur, in la saxiixo heshiisyo maaliyadeed oo taageera horumar cagaaran, iyo in la soo saaro Baaqa Addis Ababa ee Cimilada oo noqda hage istaraatiiji ah oo qaaraddu ku mideyso ficilkeeda.
Yaa ka qaybglaya shirka?
Shirkan waxa ka qaybgelaya Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, wasiirro, iyo siyaasiyiin heer gobol iyo heer qaaradeed ah kuwaas oo dejin doona jihada siyaasadeed iyo istaraatiijiga ah ee qaaradda. Waxa kale oo iman doona shirka madax heer caalami ah oo uu kujiro xoghayaha guud ee qaramada midoobay, shirkadaha, hay’adaha iyo bangiyada caalamig ah e ka shaqeeya maalgelinta cimilada si ay u keenaan taageero dhaqaale iyo farsamo, halka dhalinyarada, bulshada rayidka ah, iyo hal-abuurayaashu ay soo bandhigi doonaan xalal iyo fikrado cusub oo qaaraddu wax uga qaban karto dhibaatada sii koreysa ee doorsoonka cimilada. Ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa gacan ka geysan doona maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicda waara, halka warbaahinta iyo ururrada deegaanka ay door ka qaadan doonaan faafinta fariimaha iyo wacyigelinta bulshada ayna xaadir ku ahaan doonaan shirka.


Barnaamijka Shirweynaha
- 5–7 Sebteembar 2025 – Shirarka hordhaca ah, doodaha dhalinyarada, iyo wacyigelinta bulshada si loo sugo jihada shirka.
- 8 Sebteembar – Xalal ku saleysan dabeecadda iyo tignoolajiyada si loo xaqiijiyo yaraynta qiiqa kaarboonka, kobaca cagaaran, iyo kaabayaasha adkaysiga leh.
- 9 Sebteembar – La-qabsiga iyo adkaysiga, iyadoo diiradda la saarayo khataraha cimilo ee Afrika u gaarka ah iyo xalalka waara ee lagu gaari karo
- 10 Sebteembar – Maalgelinta cimilada iyo xalalka Afrika hoggaaminayso, iyadoo laga gudbayo kaalmo ku saleysan deeq, lana aadayo maalgashi iyo magdhaw.
Mawduucyada Muhiimka ah ee ACS2
Shirku waxa uu diiradda saaraya mowduucyo muhiim u ah mustaqbalka cagaaran ee Afrika, sida:
- Maalgelinta Cimilada – sidii loo heli lahaa maalgelin toos ah oo waxtar leh.
- Xalal ku saleysan Dabeecadda (Nature-based Solutions).
- Tamarta La Cusboonaysiin Karo – qoraxda, dabaysha, biyaha, iwm.
- Nidaamyada Cuntada Waara – beero waara iyo maaraynta khayraadka.
- Magaalooyin Cagaaran – qorshe magaalo oo deegaanka ilaaliya.
- Gaadiidka Korontada ku shaqeeya (E-Mobility).
- Xikmadda iyo Aqoonta Asaliga ah ee bulshada reer guuraaga iyo kuwa dhaqanka leh.

Natiijooyinka la Filayo
Shirkan waxaa la filayaa inuu soo saaro go’aan mideysan oo Afrika la tagto COP30, shirka G20 iyo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobay (UNGA), isla markaana uu horseedo isbeddello lagu ballaadhinayo maalgelinta iyo deeqaha, soo bandhigida xalal Afrikaan hoggaaminayo oo saameyn caalami leh, iyo xoojinta nidaamyada qaranka iyo kuwa maxalliga ah ee maaraynta maalgelinta cimilada. Sidoo kale, shirku wuxuu abuurayaa iskaashi istaraatiiji ah oo taageera caddaaladda cimilada.
Waxyaabaha la soo saari doono waxaa ka mid ah Baaqa Addis Ababa ee dardargelinta ficilada waxka qabashada doorsoonka cimilada iyo maalgelinta horumarka cagaaran ee Afrika, daah-furka warbixin tiirar u ah iskaashiyo heer qaran ilaa heer caalami, ballanqaadyo maalgelin oo balaayiin doollar ah, soo bandhigid horumaro laga sameeyey mashaariic waaweyn, iyo dejinta khariidadda shaqeed (road map) ee lagu fulinayo go’aannada iyo ballanqaadyada shirka.
Ahmiyadda shirka: Maxaa hadda muhiim loogu arkaa ACS2?
Isbeddelka cimilada waxaa loo aqoonsaday inuu yahay musiibada ugu weyn ee bini’aadamka iyo deegaanka qarnigan 21-aad, iyadoo saamayntiisu si ba’an u taabanayso dhammaan qaybaha nololeed ee dadka iyo deegaanka. Afrika, oo horey u la daalaa dhacaysay caqabado amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale, ayaa hadda wajahaysa dhibaatooyin ka sii daraya oo ka dhashay doorsoonka cimilada sida xaalufka dhirta iyo dhulka, abaaro soo noqnoqda, fatahaado baaxad leh oo misana lama filaan ah, iyo cunto yari sii kordhaysa. Dhibaatooyinkan ayaa si toos ah u wiiqaya horumarka dhaqaale, xasilloonida bulshada, iyo nabadda, taasoo khatar weyn ku ah mustaqbalka qaaradda.
Afrika waa qaaradda ugu nugul, uguna daran ee la kulantay saamaynta isbeddelka cimilada –oo ay ku leedahay door ka hooseeya%5 –iyadoo aan weli haysan awood dhaqaale iyo farsamo oo ay si buuxda ula qabsato xaaladdan isbeddelka degdegga ah. Saamayntan ayaa sidoo kale kicisay colaado u dhexeeya bulshooyin ku tartamaya kheyraadka yaraaday, waxayna sababtay barakac ballaaran iyo gaajo baahsan. Qaaradda ayaa sidoo kale u baahan inay cod mideysan oo miisaan leh u hesho doodaha lala tagi doono shirka cimilada aduunka ee COP30. Sidaa awgeed, Shirweynaha Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) waxa uu ku soo beegmayaa xilli taariikhi ah oo muhiim ah.