Madasha 72-aad ee Saadaasha Cimilada Geeska Afrika (GHACOF 72), oo lagu qabtay Nairobi, Kenya intii u dhexeysay 26–27 Janaayo 2026, ayaa si rasmi ah u soo saartay saadaasha cimilada bilaha Maarso–May (MAM) 2026.
Madashan waxaa martigelisay Xarunta IGAD ee Saadaashasha Cimilada ee loo yaqaano ICPAC iyadoo la kaashanaysa IGAD, hay’adaha saadaasha cimilada ee dalalka xubnaha ka ah, iyo bahwadaag caalami ah. Madasha 72aad ee GHACOF waxaa ka qeyb galay wakiillo ka kala socday 11-ka dal ee Geeska Afrika (Burundi, Jabuuti, Eriteriya, Itoobiya, Kenya, Ruwanda, Soomaaliya, Koonfur Suudaan, Suudaan, Tanzaniya iyo Yuganda), iyo sidoo kale khubaro ka socota waaxyaha beeraha, amniga cuntada, xoolaha, biyaha, caafimaadka, maareynta khataraha musiibooyinka, isbeddelka cimilada, warbaahinta, ururrada samafalka iyo hay’adaha horumarinta.
GHACOF oo markii ugu horeysay la qabtay sanadkii 1998 kii, waxa uu saddex jeer sanadkii soo saaraa saadaal goboleed oo wada-jir ah, taas oo daboolaysa xilliyada roobabka waaweyn ee Geeska Afrika, isla markaana ujeedadeedu tahay in macluumaadka cimilada loo beddelo diyaargarow, iyo go’aan-qaadasho ku saleysan caddayn cilmiyeed.
Saadaasha Roobabka: Waxaa Jirta Fursad Sare oo Ay Ku Di’i Karaan Roobab Ka Badan Caadiga ah
Saadaasha xilli-roobaadka Maarso–May 2026 waxay muujinaysaa 45% fursad ah in roobab ka badan heerka caadiga ah ay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika. Roobabkan ayaa si gaar ah loogu filayaa:
- Bartamaha iyo galbeedka Kenya
- Uganda, Rwanda, Burundi iyo qaybo ka mid ah Tanzania
- Qaybo badan oo ka mid ah Itoobiya iyo Koonfur Suudaan
- Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti
Dhinaca kale, 40% fursad roobab caadi ah ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Koonfur Suudaan, Kenya, Waqooyiga Soomaaliya, xeebaha Tanzania, iyo meelo ka mid ah Uganda iyo Itoobiya.
Si gaar ah Dalkeena Soomaaliya Khariidadda saadaasha ICPAC ee Gu’ga 2026 waxay muujinaysaa in roobab ka badan sida caadiga ay si gaar ah ugu badan yihiin waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland iyo Waqooyi Bari, halka Puntlanad, koonfurta iyo bartamaha dalka ay sidoo kale heli doonaan roobab wanaagsan, balse deegaanada xeebaha qaar ay u badan tahay inay helaan roob dhexdhexaad ah ama wax yar ka hooseeya.
Saadaasha gu’ga ama bilaha 3aad ilaa 5aad ee sanadka 2026 ayaa muujinaysa in gobolka Geeska Afrika laga filan karo roobab wanaagsan, kadib culeyskii roobabkii deyrta oo aan si wanagsan uga di’in dalal ay Soomaaliya ugu horeyso oo ay ka dhalatay abaar baahsan. Tani oo fursad wanaagsan u ah wax-soo-saarka beeraha iyo helitaanka biyo ku filan. Si kastaba, dib-u-dhac roobaad ayaa laga filan karaa meelo kooban oo ka mid ah Itoobiya, Koonfur Suudaan iyo Soomaaliya.
Heerkulka: Kulaylka Oo Isna Kordhi Kara
Marka laga soo tago roobabka, xilliga gu’ga gaar ahaan bilaha maarso-May 2026 waxaa laga filayaa heerkulku sare uga kaco sidii caadiga ahayd qaybo badan oo ka mid ah dalalka Geeska Afrika. Kuleylka ugu badan ayaa laga filayaa Suudaan, Jabuuti, Tanzaniya, iyo meelo ka mid ah Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya. Meelo yar oo ka mid ah bartamaha iyo waqooyiga Itoobiya ayaa laga yaabaa inay la kulmaan heerkul ka hooseeya caadiga.
Talooyinka ICPAC: Diyaar-garow Hore iyo Ficil Degdeg ah.
ICPAC waxay adkaysay baahida loo qabo in dowladaha, hay’adaha bani’aadannimada, ururrada horumarinta iyo bulshooyinku si wadajir ah uga faa’iideystaan saadaasha cimilada, iyaga oo isku daraya saadaasha goboleed ee GHACOF iyo saadaasha qaran ee ay soo saaraan hay’adaha cimilada ee dalalkooda. Sidoo kale, ICPAC waxay ku boorrisay dhammaan daneeyayaasha inay si joogto ah ula socdaan cusboonaysiinta saadaasha ee lasoo saarayo, si go’aannada loo qaato ay ugu salaysnaadaan xogtii ugu dambeysay.
Si loo yareeyo saameynta fatahaadaha, abaaraha, kulaylka daran iyo khataraha kale ee la xiriira cimilada, ICPAC waxay dhiirrigelisay qaadashada tallaabooyin hore (anticipatory action) iyo diyaargarow ku saleysan saamaynta ka dhalan karta roobabka. Agaasimaha ICPAC, Dr. Abdi Fidar, ayaa xusay in GHACOF ay weli tahay madal goboleed oo muhiim ah oo isku xirta sayniska cimilada iyo go’aamada wax ku oolka ah, taas oo door weyn ka qaadata ilaalinta nolosha, hab-nololeedka iyo horumarka waara ee Geeska Afrika.
Muhiimadda Saadaashan u Leedahay Soomaaliya
Soomaaliya, oo si weyn ugu nugul isbeddellada cimilada iyo xaaladaha daran, waxay si toos ah ugu tiirsan tahay roobabka xilliyeed dhinacyada beeraha, xoolaha, biyaha iyo amniga cuntada. Roobab ka badan inta caadiga ahayd waxay keeni karaan fursado wanaagsan oo dhinaca biyaha iyo dalagga ah, balse sidoo kale waxay kordhin karaan khataraha fatahaadaha iyo daadadka degdegga ah ee deegaanadaha iyo goobaha u nugul. Sidaa darteed, wacyigelin degdeg ah, diyaar-garow hore iyo faafinta digniinaha cimilada ayaa muhiim u ah in khataraha la yareeyo, isla markaana fursadaha jira si wax ku ool ah looga faa’iideysto.
Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan waxaad booqon kartaa websiteka ICPAC





