Isbadalka cimiladu waxa uu si weyn u saameeyay Soomaaliya, taas oo cawaaqib xumo weyn ku leh dadka, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha lama filaanka ah, iyo kororka heerkulka ayaa keenay cunto yari baahsan, barakac, iyo yaraansho ama naaqus ku socda xoolaha Soomaaliya. Waxsoosaarka beeraha, oo awalba yaraa hayeeshee ahaa isha ugu muhiimsan ee nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ayaa wajahayaa cadaadis xoogan oo ka imaanaya musiibooyinka ka dhalanaya isbadaladaan cimilada.
Amin Jamal oo ah cilmi-baare, ayaa muuqaalkan waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida isbadalka cimiladu u bedelayo muuqaalka nolosha Soomaaliya, isaga oo dhawr dhinac ka istaagaya baaxadda saamaynta xaaladdani yeelatay . Fahamkiisa waxa uu muujinayaa baahida loo qabo xalal waara iyo kor u qaadista wacyiga bulshada si looga hortago caqabadahaas.
Daawo muuqaalka hoose si aad wax badan uga ogaato saameynta isbadalka cimilada ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu dhisi karo adkeysiga bulshada.