Doorashadii Maraykanka ee dhacday 5tii November waxa ku adkaaday Donald J. Trump. Waa madaxweyne hore oo mar kale dib ugu soo noqonaya Aqalka Cad. Trump wuxuu ku caan baxay hadalo qalafsan, fikrado gurracan iyo doodo aan hore looga maqal madaxdii ka horeysay ee soo hogaamisay Maraykan. Muddo xileedkiisii hore ayuu ku dhaqaaqay go’aano muran badan ka dhaliyay caalamka.
Hadda waa la xaqiijiyay guushiisa. Siyaasadda Maraykanku ku wajihi doono dhibaatada Isbeddelka Cimilada Afarta sano ee soo socota ayaa ah mid haatan su’aalo badan la gelinayo, sababtoo ah waxa jiray ficilo aad uga soo horjeeday dadaalada lagu xakamaynayo isbeddelka cimilada oo uu ku dhaqaaqay muddo xileedkiisii hore. Waana sababta dib u doorashadiisa aysan uga farxin doonin dadka u ololeeya arimaha deegaanka.
Intii uu ku jiray ololihiisa, Trump wuxuu sheegay in hadii uu guuleysto uu ku dhaqaaqi doono siyaasad ka duwan tan maamulka Biden, isaga oo kor u qaadi doona wax-soo-saarka saliidda iyo gaaska ee Maraykanka, baabi’in doono xeerarka deegaanka ee uu saxiixay Biden, sidoo kale uu yarayn doono lacagaha lagu taageero tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Bishii July ee sanadkan markii xisbigiisu u doorteen musharaxooda xilka madaxweynaha, Trump wuxuu yiri: “Waxaan joojin doonaa dagaalka Kamala ee ka dhanka ah tamarta Mareykanka, waana qodi doonaa, oo qodo doonaa shadaalka si aan u helno tamar!”. Trump wuxuu intaa ku daray inuu dhiirigelin doono qodista gaaska ee xitaa dhulka danta guud.
Soo-saarista Shidaalka oo qiiq badan hawada kasii daaya ayaa loo arkaa mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay isbeddelka cimilada. Iyada oo dalalku markii ugu horeysay ay ku heshiiyeen in laga wareego isticmaalkiisa shirkii isbeddelka cimilada COP28 ee sanadkii hore ka dhacay Dubai.
Trump ayaa sidoo kale cambaareeyay cashuur dhimista loo sameeyay in lagu dhiirrigeliyo iibka baabuurta korontada ku shaqeeya, isagoo ku dooday inay burburin doonaan warshadaha baabuurta Maraykanka – in kasta oo hadaladaas uu yareeyay, kadib markuu helay taageerada Elon Musk, Mulkiilaha shirkadda Tesla.
Trump ayaa si joogta ah u beenin jiray jiritaanka isbeddelka cimilada. Isaga oo xitaa sanadkii 2012 bartiisa Twitter ku sheegay in isbeddelka cimiladu uu yahay “been abuur ay Shiinuhu sameeyeen” si dhaqaalaha iyo warshadaha Maraykanka loo wiiqo, loogana dhigo kuwa aan tartan geli karin.

- Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada
- Halkan Ka Akhri: Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay?
Ololihii uu galay hadda waxaa muuqata inuu la jaan-qaadayo fikradihiisii markii uu xafiiska joogay 2017 ilaa 2021. Mid ka mid ah tallaabooyinkiisii ugu horreeyay ee uu qaaday xiligaas wuxuu ahaa in uu Mareykanka ka saaro heshiiska Paris – kaasi oo Biden dib ugu soo celiyay markii uu xilka kala wareegay. Trump waxa uu sheegay in uu sidaas mar labaad samayn doono.
Isla waqtigiisii hore, Trump wuxuu ugu yeeray Isbedelka Cimilada wax khiyaali ah!. Sanadkii 2020 wuxuu ku dooday in cimilada sii kululaanaysaa “ay bilaabi doonto inay iska qabowdo”. Isaga oo xitaa duray Sayniska iyo Saynisyahanada oo uu ku sheegay in aysan wax badan ka garanayn Isbeddelka cimilada.
Maraykanku waa mid kamid ah dalalka dhaqaalaha ugu badan ku bixia dadaalada lagu xakamaynayo doorsoonka cimilada. Bishii December ee 2023, maamulka Biden ee hadda xilka ka dagaya ayaa ku dhawaaqay ballanqaad sanadle ah oo Maraykanku ku siinayo $3 bilyan Sanduuqa Green Climate Fund (GCF) sanadada 2024-2027. Sidoo kale waxa uu Biden hore u balan qaaday in uu kordhin doono taageeradiisa dagaalka lagula jiro isbeddelka cimilada.
Kusoo laabashada Trump ee Aqalka Cad suuragal maaha keliya inay saamayso dadaaladii Maraykanku ku bixin jiray xakamaynta isbeddelka cimilada ee sidoo kale waxaa suuragal ah in ay niyad jab wayn ku keento heshiiska ay tahay in laga gaaro yoolka cusub ee maaliyadda cimilada (A New Collective Quantified Goal on Climate Finance -NCQG) kaasi oo la filayo in dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaa ay uga wada hadlaan shirka isbeddelka cimilada ee COP29 oo 11-ka bishan ka furmaya Baku, Azerbaijan.
Maraykanka oo taariikh ahaan ah dalka ugu badan ee siidaayay qiiqa hawada (GHG), waxaa laga filayaa inuu door muhiim ah ku yeesho bixinta magdhow iyo taageero maaliyadeed oo sanadle ah oo dalalka horumaray ay siiyaan kuwa soo koraya ee la kulmay dhibaatada ka dhalatay isbeddelka cimilada.