Geela ayaa kamid ah xoolaha ay sida weyn u jeceshahay Soomaalidu. Waxaa lagu qiyaasaa inay Soomaalidu leeyihiin geela ugu badan dunida, marka lala barbar dhigo bulshooyinka kale ee dhaqda geela, ilaa 7.5 Milyuun oo neef ayaa la qiyaasaa in geela Soomaalidu dhan yahay. Dhamaan tiradaas waa Geela halka tuur leh ee loo yaqaano “Dromedary”.
Geelu Soomaalida wuu uga duwan yahay xoolaha kale ee la dhaqdo, gaar ahaan dhinacyada manfaca iyo faa’idada caanaha, hilibka, gaadiidka iyo xaragadaba, oo waa kuwa yiri “Geelu xoolo kuma jiro”. Waxa ayna jacaylkiisa ku muujiyeen meelo badan oo kamid ah dhaqanka iyo hidaha.
Geela oo umado kale oo Carabtu ugu kamid tahay ay aad u jecelyihiin, dhaqashadiisana lasoo bilaabay qiyaastii 5000 oo sano kahor, waxa uu leeyahay dhawr hayb. Nooca ay Soomaalidu dhaqato ayaase loo arkaa kan adduunka ugu adkaysiga badan, waxa se uu ku jiraa kuwa ugu caanaha yar.

Cilmibaarisyo iyo xog aruurino kala duwan oo xoogooda ay dowladdii kacaanku ku samaysay Geela ku nool Soomaaliya waxaa lagu ogaaday in Geelu yahay saddex qeybood oo waaweyn.
1. Aydin: Waxa uu ku fiican yahay hilibka, waa geela ku nool dhulka hawdka ah. Waxa la rumaysan yahay inuu yahay geela ugu tiro badan, uguna socodka badan. Waxaa kale oo geelaan looga faa’iidaysan karaa dhanka tartannada iyo ciyaaraha. Geelan ayaa ku nool dhulka ka soo rogan Togdheer ilaa Beledweyn. Sida ka muuqata magaciisa geelani waa mid midabkiisu guduud ama casaan yahay.
2. Dacaar: Geel midabkiisu caddaan-xig boor leh yahay, muuqaal ahaan waaweyn oo ku fiican hilibka, geel caanihiisu dhedhexaad yihiin, badidiis waxa uu ku nool yahay dhulka buuroleyda iyo dhulka xeebaha xiga. Waa geel gaagaaban oo hilib macaan. Sida oo kale waxa uu ku nool yahay dhulka loo yaqaanno Dooy oo ku yaalla bayda gobolka Baay.
3. Hoor: Waa geela ugu caanaha badan, waxaa looga faa iidaysan karaa barqomaallada iyo ganacsiga caanaha. Waxa uu badidiis ku nool yahay Jubbooyinka iyo dhulka webiyada xiga ee adablada ahayn. Waa geel adkaysi yar, aadna biyaha u cabba, waana geela ugu nugul. Haddii lagu qaso hiddesideyaal kale sida kan Aydinka, waxaa dhici lahayd in uu yeelan lahaa adkaysi halka aydinkuna yeelan lahaa caano.
Waxaa jira qeybo kale oo geela Soomaalida laga sameeyey. Waxa se aan u baahannahay in aan ku samayno cilmibaaris dhammays ah.
Hadaba Soomaalidu Geela waxay u dhaqataa saddex sababood oo waaweyn. Sababahan ama ujeedooyinkan midkasta waxaa ka farcami kara kuwa kale.
[1]. Xil & Xarrago: Marka socoto am acid kale kugu martido, geelaagu waa midkii aad ku xil baxdo, sidoo kale xarrago waa yahay oo ninkii raysimo eraystay ayaa laga waraysan.
[2]. Magac & Mansab: Ninka Geela leh, dhulka Soomaalida waa ka tilmaamsanaa, oo waxa uu ahaa nin hantiile ah oo tan uu rabo qasha, rarta, ku guura, dubaada, caanaysta oo ciddii uu rabo maal u siiya. Magac waa ahaa oo ninka geeliisu boqol gaaro waxa uu bulshada ku lahaa fadhi gaar ah oo loo yaqaanno “Boqolley”, golahaas waxaa tegi jiray ragga geeloodu 100 gaaro.
[3]. Dhur & Dhaqaal: Dheeftiisa weyn oo aan la sinnayn xoolaha kale waxa uu ka yahay foos aan cidi dhererin. Geelu waxa uu leeyahay dhaqaal duunyo kan ugu sarreeya oo cadkiisa iyo caanihiisa ayaa lagu nool yahay.

Soomaalidu si aad ah ayay ugu faanaan dhaqashada geela, hase ahaatee xanaanadiisa iyo daryeelkiisa caafimaad ayaa ah hawl aanan sahlaneyn. Xiligan oo Isbeddelka Cimiladu saamayn xoogan ku yeelanayo dhulka Soomaalidana awoodda joogtada ah ee loo heli karo daryeelka xoolaha waa mid sii yaraanaysa, inkasta oo oo geelu dabeecad ahaan xamili karo duruufaha adag ee deegaanka.
Casriyadii dambe waxaa dunida kusoo kordhay habab cusub oo loo dhaqdo geela si loo badiyo manfaca kala duwan ee laga helayo loona yareeyo tamarta, daalka iyo waqtiga ku baxaya raacidiisa. Hababkan ayaa ah kuwa aan Soomaalidu weli la qabsan, sababo dhawr ah dartood.
Hadaba sidee loo casriyeyn karaa dhaqashada geela Soomaalida? Fadlan faaladaada nala wadaag.

Xigasho: Somali Camel Fate






