Home Articles & Features10 Tallaabo oo Aad Ku Soomi Karto Ramadaan Cagaaran

10 Tallaabo oo Aad Ku Soomi Karto Ramadaan Cagaaran

by Admin
0 comments
Ha khasaarin cuntada. Dad ayaa u baahan

1. Jooji Khasaarinta Cuntada

Ramadaanka waxaa lagu arkaa miisas ay buuxaan cuntooyin kala duwan, kuwaas oo in badan la daadiyo, halka qoysas badan oo Soomaaliyeed ay la daalaa dhacayaan cunno yari. Qashinka cuntadu wuxuu la micno yahay biyo la khasaaray, gaas iyo qiiq la siidaayay, dhir la gubay, iyo deegaanka oo la wasakheeyay. Soomaaliya oo wajahaysa cunto yari iyo nafaqo darro, qorshaynta cuntada iyo yaraynta qashinku waa tallaabo muhiim ah. Diyaari inta loo baahan yahay, dib u isticmaal hambada ama hadhaaga, una qaybi wixii dheeraad ah dadka baahan. Tani waa caddaalad bulsho iyo cibaado isku jirta.

Alle SWT wuxuu yiri:
“Cuna oo cabba, hana xad-gudbina. Eebbe ma jecla kuwa xadgudba.” (Al-Acraaf 7:31)

2. Yaree Isticmaalka Biyaha.

Soomaaliya waxay kujirtaa abaaro ba’an oo sababay barakac, gaajo iyo xoolo la’day. Qiyaastii 4.8 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo biyo iyo cunto ah. Xaaladdan adag dhexdeeda, biyuhu ma aha oo keliya khayraad dabiici ah ee waa laf-dhabarta nolosha, caafimaadka iyo badbaadada bulshada. Ramadaanta gudaheeda waa in si miyir leh loo isticmaalaa biyo kasta. Badbaadinta biyuhu waa mas’uuliyad diini ah iyo tallaabo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.

Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
“Ha khasaarin biyaha xitaa haddii aad ku sugan tahay webi qulqulaya.” (Ibn Maajah)

3. Ha Jarin Geedaha – Beer Geed Cusub

Xaalufinta dhirta ayaa kordhisay kulaylka magaalooyinka, nabaad-guurka dhulka iyo roobka poo yaraada. Geeduhu waxay qaboojiyaan hawada, yareeyaan kaarboonka, xoojiyaan carrada si waxsoosaarku u wanaagsanaado, unwaxayna u noqdaan hoos iyo nolol xoolaha iyo dadka. Beerista geed cusub ama ilaalinta geed jira waa maalgashi cimilo iyo sadaqo socota oo ajar joogto ah leh. Soomaaliya oo u baahan dib-u-dhirayn, ficil kasta oo geed lagu beero waa talaabo mustaqbal lagu badbaadinayo ajar bandanna laga helayo.

“Haddii Muslim geed beero… waxay u tahay sadaqo.” (Bukhaari & Muslim)

4. Yaree Isticmaalka Bacaha iyo Caagga

Caagga iyo qashinkiisu waxay xirayaan marinnada biyaha, kordhiyaan fatahaadaha xilliga roobka, waxyeelleeyaan xoolaha iyo noolaha badaha, isla markaana  waxay wasakheeyaan xeebaha dalka. Xeebaha Soomaaliya waa hanti qaran oo taageerta kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah, iyaga oo nolol u abuura malaayiin qof oo soomaaliyeed. Yaraynta bacaha hal-mar la adeegsado iyo doorashada qalab dib loo adeegsan karo waxay yaraynaysaa qashinka iyo wasakhowga. Islaamku wuxuu mamnuucay waxyeello kasta.

“Waxyeello ma bannaana, waxyeellana laguma celin karo.” (Ibn Maajah)

Ololaha Nadaafadda xeebaha

5. Ka Qayb Qaado Ololayaasha Nadaafadda

Qashinka sii kordhaya ee magaalooyinka wuxuu sababa cudurro, ur, iyo wasakhow. Xilliyada roobka, qashinku wuxuu xiraa bullaacadaha, taas oo keenta fatahaado. Nadaafaddu waa tiir ka mid ah iimaanka, waana mas’uuliyad wadajir ah. Ka qaybgal nadiifinta masaajidda, xaafadaha, suuqyada iyo xeebaha. Ilaalinta nadaafadda waa ilaalinta caafimaadka bulshada iyo badbaadinta deegaanka.

“Ka qaadista wax dhib ah waddada waa sadaqo.” (Muslim)

6. Iibso Wax-soo-saarka Gudaha

Doorashada wax-soo-saarka gudaha waa mabda’ ku qotoma taageeridda dhaqaalaha bulshada, xoojinta beeraleyda iyo dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dalka. Marka la iibsado cunto iyo badeecooyin laga keenay dibadda, waxaa kordha qiiqa ka dhasha gaadiidka ama dhoofinta (carbon emissions), baakadaha iyo daasadaha badan oo kordhiya qashinka. Taas beddelkeeda, taageeridda suuqyada maxalliga ah iyo wax-soo-saarka gudaha waxay yaraynaysaa qiiqa gaadiidka, hoos u dhigtaa qashinka, isla markaana kobcisaa dakhliga beeraleyda dalka. Soomaaliya oo si toos ah u wajahaysa saameynta isbeddelka cimilada, xoojinta wax-soo-saarka gudaha waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo horumar waara, shaqo-abuur iyo adkeysi bulsho.

Alle SWT wuxuu yiri:
Iska kaashada wanaagga iyo cabsida Alle.”(Al-Maa’idah 5:2)

7. Ka Qaybgal Ololayaasha Afurinta iyo Gurmadka Abaaraha

Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida daran u saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimilada, taasoo keentay cunto yari, biyo la’aan iyo barakac ballaaran. Malaayiin qof ayaa wajahaya nolol adag, iyagoo ku tiirsan gargaar degdeg ah si ay u helaan cunto iyo biyo nadiif ah. Ramadaan waa bil naxariis, wadaag iyo is-garabsi; sidaas darteed, ka qaybgalka ololayaasha afurinta iyo gurmadka abaaraha ma aha oo keliya samafal, balse waa maalgashi nololeed iyo mid cimilo oo xoojinaya adkeysiga bulshada. Marka aad taageerto qoys sooman oo baahan, waxaad badbaadinaysaa nolol, yareynaysaa saameynta musiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana kordhinaysaa ajarkaaga.

Nabiga ﷺwuxuu yiri:
“Qofkii afuriya qof sooman, wuxuu helayaa ajarkiisa oo kale.” (Tirmidi)

Saamaynta abaaraha dalka – Saed Faisal

8. Lugee – Yaree Isticmaalka Gaadiidka

Isticmaalka gaadiidka gaarka ah ee sii kordhaya wuxuu ka qayb qaataa qiiqa hawada, wasakheynta deegaanka iyo saxmadda magaalooyinka, gaar ahaan xilliyada mashquulka ah sida Ramadaanta. Qiiqa kaarboonka iyo sunta kale ee hawada ku sii daaya waxay saameyn toos ah ku yeeshaan caafimaadka bulshada iyo isbeddelka cimilada. Lugeyntu waa beddel fudud oo waxtar leh: waxay yaraynaysaa qiiqa, hoos u dhigtaa saxmadda, isla markaana hagaajisaa caafimaadka wadnaha, neefsiga iyo firfircoonida jirka. Socod maalinle ah—even masaafo gaaban oo loo maro masaajidka ama suuqyada xaafadda—wuxuu ka qayb qaataa hawada nadiifka ah iyo nolol caafimaad leh, isagoo isu keenaya daryeelka deegaanka iyo daryeelka nafta.

Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
Tallaabo kasta oo uu qofku u qaado salaadda, waxaa lagu qorayaa darajo, dembina waa laga tirayaa.” (Bukhaari & Muslim)

Sidaas darteed, lugeyntu ma aha oo keliya ficil caafimaad iyo deegaan, balse waa tallaabo ajar leh.

9. Yaree Isticmaalka Tamarta ama korontada badan.

Korontada laga dhaliyo shidaalka waxay sii daysaa qiiqa kaarboonka oo kordhiya kuleylka dunida iyo isbeddelka cimilada. Soomaaliya oo durba la tacaalaysa abaaro iyo kulayl sii xoogeysanaya, ku tagri-falka tamartu wuxuu ka dhigan yahay khasaare deegaan iyo dhaqaale. Ramadaanta gudaheeda isticmaalka nalalka iyo qalabka korontadu wuu kordhaa, sidaas darteed dami qalabka aan loo baahnayn, isticmaalna nalal tamar-yar. Yaraynta tamartu waxay hoos u dhigtaa qiiqa, ilaalisaa khayraadka, isla markaana yareysaa kharashka qoyska.

Alle SWT wuxuu yiri:
“Kuwa israafa waa walaalaha Shaydaanka.” (Al-Israa 17:27)

10. U Naxariiso Xayawaanka iyo Duurjoogta

Xoolaha iyo duurjoogtu waa makhluuqaad Alle abuuray, lehna xuquuq iyo nolol mudan in la dhowro. Islaamku wuxuu mamnuucay waxyeelayntooda, wuxuuna ku booriyay naxariis, quudin iyo daryeel. Bar carruurtaada ama kuwa qoyska iyo dariskaaga inay ilaaliyaan oo aysan dhibin xayawaanka sida eyda iyo bisadaha. Xilliyada abaarta, waxaa dhici karta in duurjoog ooman ay magaalooyinka soo galaan si ay biyo u helaan; halkii laga cabsi gelin lahaa ama la waxyeellayn lahaa, waa in loo muujiyo naxariis iyo dulqaad. Ka fogaanshaha waxyeellada iyo u naxariisashada xayawaanku waa cibaado ajar leh oo ka mid ah mas’uuliyadda khilaafada dhulka ee Alle na saaray.

Alle SWT wuxuu yiri:
Ma jiro makhluuq dhulka ku nool ama shimbir duulaysa oo aan ahayn ummado idin la mid ah.” (Al-Ancaam 6:38)

Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
“Kuwa naxariista muujiya, waxaa u naxariista Eebaha Naxariista badan.” (Tirmidi)

Wuxuu kaloo ka warramay nin biyo u shubay eey ooman, taasoo sabab u noqotay in Alle u dambi dhaafo (Bukhaari & Muslim).

Gunaanad

Ramadaan cagaaran waa Ramadaan ajarkeeda la labanlaabo. Ilaalinta deegaanka waa cibaado, badbaadinta biyo iyo nolol waa sadaqo, geed beerisuna waa ajar soconaya oo sii jira. Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, ficil kasta oo mas’uuliyad leh—xitaa mid yar—waa maalgashi loo sameynayo mustaqbalka jiilasha soo koraya. Ramadaantan, ka dhig cibaadadaada mid badbaadisa deegaanka isla markaana kordhisa ajarkaaga.

You may also like

Leave a Comment