Home Articles & FeaturesIsbeddelka Cimilada: Hadda Halkee  Taagannahay?

Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee  Taagannahay?

by Ahmed Absie
4 comments 2 mins read

Isbedelka Cimilada wuxuu beddelaya nolosha dadka, noocyada kale ee noolaha, iyo deegaanka guud ahaan. Dunida meelo badan waxaa ka dhacaya fatahaado, abaaro, duufaanno iyo masiibooyin kale oo aan horay loo arag, kuwaasoo ka dhashay Cimilada doorsoontay. 

Tusaaluhu ma foga, Afrika ayaa ah meesha ugu nugul. Daadad ku dhuftay galbeedka iyo bartamaha qaaradda ayaa sanadkan saameeyay in ku dhaw 7 million oo qof. Halka abaar daba dheeraatay oo noqonaysa tii ugu darnayd mudo 100 sano ah ay saamaysay  Koonfurta Afrika taasi gaarsiisay dowladda Namibia inay ku dhawaaqdo qoor-goynta 700 oo duur joogta dalkaas ah, si loo quudiyo dadka ay abaartu saamaysay.  

Dalalka Yurub waxaa bilihii lasoo dhaafay halakeeyay roobab laba jeer ka badnaa sidii caadiga ahayd. Daadadka ka dhashay waxay dalal dhawr ah ka gaysteen dhimasho iyo waxyeelo dhaqaale oo balaaran. Dalka  Maraykanku wuxuu isna la kumayaa waxyeelada duufaanta “Helene” oo khasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed oo ilaa hadda kor u dhaaftay $53 billion oo doollar gaysatay

Waxyaabaha sida gaarka ah u sababay isbeddelka cimilada waxaa kamid ah sii deynta gaaska hawada kululeeya (Greenhouse gases) ee ay ugu horeyso CO₂, xaalufka dhirta, iyo warshadaynta oo socotay mudo 200 sano ka badan, iyadoo qiiqa gaaska ah ee hawada kululeeya inta ugu badan la diiwaangeliyay tan iyo 1975 kii.

Himilo Aan Talaabo Loo Qaadin!

Waxaa jira heshiis caalami ah oo la yiraahdo Heshiiska Paris, kaasi oo ay 196 dal ku gaareen magaalada Paris ee dalka Faransiiska bishii December ee sanadkii 2015. Heshiiskan waxa uu hirgalay bishii Novembar 2016. Waxaa loo tixgeliyaa mid kamid ah heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee taariikhda Shirka COP UNFCCC ee Isbadelka Cimilada. 

Qodobka 2,(1) a ee Heshiiska Paris wuxuu ku baaqayaa in kororka heerkulka caalamka lagu xadido meel ka hooseysa  2°C marka loo eego heerkii uu ahaa xiligii  warshadaha ka horreeyay, iyadoo la hiigsanayo in la gaarsiiyo ilaa 1.5°C. Tani waxay si weyn u yaraynaysaa halisaha iyo saameynta isbeddelka cimilada. 

Hayeeshee jidkaas ma hayno!. Dalalka sida wayn u isticmaala shidaalka ayaan ilaa hadda si buuxda ugu dhaqmin heshiiska. Cilmibaarista ugu dambaysay ee ay soosaarto The Emissions Database for Global Atmospheric Research (EDGAR) waxaa lagu sheegay in sida 2022 la diiwaangeliyay dalalka  Shiinaha, Mareykanka, Hindiya, Midowga Yurub, Ruushka iyo Brazil ay yihiin kuwa ugu badan ee sii daaya gaaska hawada wasakheeya. 

Isku darka dalalkan waxay isticmaalaan 63.4% shidaalka aduunka, sidoo kale 61.6% iyagaa ah kuwa qiiqa hawada (GHG)  sii daaya. 

Dalalka ay Soomaaliya kujirto ee horumarka ka gaabiyay (LDCs) kuwaas oo ah ugu yar ee qiiqa sii daaya oo ah 3.3%, ayaa ah kuwa ugu badan ee la kulmay saamaynta isbeddelka cimiladu. Abaaro, fatahaado iyo musiibooyin kale ayay ula kulmaan si joogta ah. Dhaqaalahooda oo yar darteedna way awoodi waayeen inay waxka qabtaan dhibaatada haysata. 

Korarka kuleylka ayaa sii socda. Sannadka 2024, laga bilaabo bishii Janaayo ilaa Agoosto, heer-kulka celceliska adduunka wuxuu ahaa 0.70°C mid ka sarreeyay celceliska intii ahaa kuleyku mudadii u dhaxeysay 1991–2020. Sidoo kale  wuxuu  0.23°C ka sarreeyaa intuu ahaa kuleylku bishii Janaayo ilaa Agoosto ee sanadkii 2023 oo ahaa sanadkii ugu kululaa ta iyo markii la bilaabay diiwaangelinta heer kulka dhulka qarnigii 19aad. 

Tani waxa ay ka dhigan tahay in sanadka 2024 uu 99.8%  u dhawyahay in uu noqdo sanadkii ugu kululaa, isagoo rikoorkaas kala wareegaya 2023. 

Dalalka horumaray ayaa taariikh ahaan mas’uul ka ah kororka heerkulka caalamka; sababtoo ah mudo dheer ayay warshadahoodu qiiq kusii daynayeen hawa. Sidaas oo ay tahay waxay  ku guuldarreysteen inay fuliyaan ballanqaadkooda yaraynta qiiqa. Taasi waxay sababtay in dalalka saboolka ah  iyo jasiiradaha yaryar  ay la kulmaan xaaladaha ugu daran ee ka dhashay isbadelka cimilada. Waxaa intaas sii dheer in dalalka horumaray  marnaba  aysan si buuxda u bixin dhaqaalihii ay hore u ballanqaadeen ee  ee loogu talagalay dalalka nugul.

Heshiiska Paris wuxuu si gaar ah u adkeeyaa muhiimadda ereyga “Cadaaladda” laakiin miyay u dhaqmaan si cadaalad ah? Jawaabtu waa maya. Dalalka horumaray ma muujin marna inay si cadaalad ah u qaataan masuuliyadooda isbadalka cimilada. 

Doonista Afrika iyo Miisaaniyadda Cimilada

Shirka isbadelka Cimilada ee COP29 oo Baku, Azerbaijan ka furmaya 11 ka bisha November waxaa qaybo kamid ah shirka diirada lagu saari doonaa  dajinta yool cusub oo miisaaniyadda cimilada ah  (NCQG) nuxurku waa sidii lacag sanadle ah loogu qoondayn lahaa wadamada soo koraya ee ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbadalka cimilada. Yoolka Cusub wuxuu badalayaa kii 2009 dalalka horumaray ku heshiiyeen oo ahaa $100 billion sanadkasta.

Shirkii Wasiirrada Afrika ee Deegaanka (Abidjan, Ivory Coast, 30 Aug- 6 Sep 2024), Wasiirradu waxay isku raaceen in Africa ay u baahan tahay lacag aan ka yarayn $1.3 trillion sannadkii si wax looga qabto dhibaatooyinka cimilada. laakiin dalalka horumaray oo ah kuwa laga rabo inay lacagtan bixiyaan wayka aamuseen inay sheegaan lacagta ay ku talo jiraan. 

Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa hadal ay dhawaan ka jeedisay  Shirka Maalgashiga Himilooyinka NDC ee Afrika oo ka dhacay Newyork ku sheegtay  in Soomaaliya ay u baahan tahay lacag dhan $16.9 bilyan oo doolar  oo loogu deeqo yoolkeeda   Nationally Determined Contribution (NDC) ilaa 2030 si looga jawaabo dhibaatada dalku kala kulmayo isbadelka cimilada. 

Maalgelinta isbadelka cimilada waa masuuliyad waajibku ah dalalka keenay dhibaatada. Waxaa la isku raacsan yahay in lacagaha loo qoondaynayo in dalalka saboolka ah ay waxkaga qabtaan isbadelka cimilada aysan ahayn deeq, balse ay tahay xaq. 

W/Q: Ahmed Absie

You may also like

4 comments

Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Looga Hadlayo Shirka Cimilada Ee COP29. - Green Media Initiative November 10, 2024 - 2:55 pm

[…] Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay? […]

Reply
Guusha Trump iyo Saameynta ay Ku Yeelan Karto Dadaallada Isbeddelka Cimilada - Green Media Initiative November 10, 2024 - 2:56 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay? […]

Reply
Prosopis Juliflora (Cali-garoob): Somalia’s Most Dangerous Invasive Species - Green Media Initiative May 8, 2025 - 12:48 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay? […]

Reply
Isbeddelka Cimilada: Soomaaliya oo loo ansixiyey Lacag ku dhaw $100 Million - Green Media Initiative May 8, 2025 - 1:37 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Isbeddelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay? […]

Reply

Leave a Comment