Home Articles & FeaturesCOP: Wax Walba Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee  Isbeddelka Cimilada.

COP: Wax Walba Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee  Isbeddelka Cimilada.

by Ahmed Absie
2 comments 5 mins read

Shir madaxeedka Cimilada aduunka ayaa kalkiisii 29aad ka furmaya magaalada  Baku ee dalka Azerbaijan. Shirku waxa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 11-ka ilaa 22-ka bisha November.  Qaramada Midoobay ayaa soo agaasinta shirkan oo sanadkasta dhaca, si looga wada hadlo Isbeddelka Cimilada oo walaac wayn ku haysa dunida oo dhan. Sanadkan shirka waxaa loo bixiyay  COP-ka Maaliyadda ama Afka Ingiriisiga “COP of Finance” waxaana  diirada lagu saari doonaa qaybo kamid ah shirka dajinta yool cusub oo maaliyadda cimilada (NCQG) iyo sidii lacag loogu qoondayn lahaa wadamada soo koraya ee ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbadalka cimilada.

Hadaba Waa Maxay COP?

Shirka Xubnaha ama dalalka (Conference of the Parties -COP) waa shir sanadle ah oo ay qabtaan wufuud ka socota dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbedelka Cimilada (UNFCCC). Heshiiska UNFCCC waxaa la saxiixay sanadkii 1992 intii uu socday Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Deegaanka ee loo yaqaan Earth Summit, oo ka dhacay magaalada Rio de Janeiro, ee dalka Brazil. Heshiiskan waxaa lagu gaaray in la yareeyo saameynta isbeddelka cimilada oo la hirgeliyo xalal waara oo lagu xakameynayo dhibaatada sii kordhaysa ee cimilada adduunka.  

Sanadkasta, kumanaan wakiillo ah oo ka socda ku dhawaad  dhammaan dalalka adduunka ayaa isugu yimaada shirkan, si ay uga wada hadlaan, ugana heshiiyaan siyaasadaha caalamiga ah ee cimilada, ula socdaan horumarka laga gaarayo wax ka qabashada isbedelka cimilada, isla markaana go’aanno uga gaaraan sidii loo sii wadi lahaa himilooyinka UNFCCC. Shirka COP ee sanad kasta waxa la rajeeyaa in laga dhaxlo heshiisyo iyo  go’aamo muhiim ah oo ku saabsan tallaabooyinka la qaadayo si wax looga qabto isbedelka cimilada. 

Shirkasta oo COP ah oo dhacaya waxaa la raaciyaa tirada ama lambarka uu yahay shirkaas, tusaale ahaan shirka dhacaya bisha soo socota waa COP29 taas oo la macna ah inuu yahay shirkii 29aad ee shirarka COP ee isbeddelka cimilada. Halka shirka ku xiga oo isna sanadka dambe loo asteeyay inuu ka dhaco dalka Brazil  uu noqon doono COP30  ama COP kii Sodonaad. 

Taariikh ahaan shirkii ugu horreeyay ee UNFCCC ee looga hadlo Isbeddelka Cimilada oo ahaa COP1 waxaa lagu qabtay magaalada Berlin, ee dalka Jarmalka sanadkii 1995kii. Tan iyo markaas, shirkan sanadlaha ah waxa uu noqday madal muhiim ah oo ay dalalku ku gorfeeyaan, kuna dejistaan siyaasadaha lagu xakameynayo isbedelka cimilada. Balse, waxa uu sidoo kale ahaa madal ay hareeyaan khilaafaad iyo isdiidooyin siyaasadeed oo la xiriira waxka qabashada isbeddelka cimilada. Dhawr jeer ayay dowlado diideen heshiisyo lagu gaaray shirka iyaga oo ku andacoonaya inay heshiisyadaasi ka hor imaanayaan danahooda.

Labada shir ee dambe waxaa la qabtaa labadii sanaba mar. Mid kamid ah oo ah COP16 of Convention of Bio-diversity ayaa hadda ka socda magaalada Cali, ee dalka Combia, halka midka dambena uu bisha December ka dhici doono dalka Saxaraha ah ee Sacuudi Carabiya. Tani waxa ay ka dhigan tahay in sanadka 2024 ay iskusoo aadeen saddex shir oo COP ah. Sidaas darteed ayaa sanadkan 2024 loo bixiyay sanadkii deegaanka.

Yaa ka qayb gala Shirka COP ee Isbadalka Cimilada?

Shirarka COP (Conference of the Parties) waxaa ka qayb gala dhinacyo kala duwan oo heer caalami ah, kuwaas oo matalaya dowlado, ururo, shirkado, dad caan ah, iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Ku dhawaad 200 oo waddan oo xubno ka ah Heshiiska Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (UNFCCC) ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee go’aannada siyaasadeed qaata. Ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Adduunka, iyo hay’ado kale oo taageero farsamo iyo dhaqaale bixiya ayaa door muhiim ah ku leh shirarkan taxanaha ah.

Sidoo kale, dadka u ololeeya deegaanka ayaa si weyn uga qayb gala shirarka. Iyaga oo u ololeynaya tallaabooyinka ay u arkaan xalalka waara ee lagu xoojin karo  la dagaallanka isbeddelka cimilada. Waxaa kale oo taga shirkadaha shidaalka iyo tamarta kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo inay u ololeeyaan danahooda ganacsi si ay uga hortagaan go’aannada adag ee cimilada la xiriira. Cilmi-baarayaasha iyo khubarada ka socda jaamacadaha iyo hay’adaha cilmiyeed ee caalamiga ah ayaa sidoo kale ka qeyb gala, iyagoo soo bandhigaya xogta iyo daraasadaha cusub ee ku saabsan saameynta Isbeddelka cimilada iyo xalalka mustaqbalka.

Shirarkii Ugu Muhiimsanaa ee Isbeddelka Cimilada 

Heshiiskii Paris ayaa ilaa hadda loo arkaa mid taariikhi ah oo weli saldhig u ah wada xaajoodyada Isbeddelka Cimilada.  

COP26 (2021, Glasgow, UK) ayaa isna  wuxuu diiradda saaray in la xoojiyo tallaabooyinka lagu fulinayo heshiiskii Paris iyo taageerada maaliyadeed ee  ee la siinayo dalalka soo koraya si ay ula tacaalaan saameynta isbedelka cimilada. Inkasta oo shirkani la kulmay dhaliilo badan, hadana waxa jiray arimo dhawr ah oo loo arkay kuwa togan oo shirka kasoo baxay.  Shirarkii ugu dambeeyay ee COP-ka Isbadalka Cimilada ayaa badankooda waxa ay diiradda saarayeen sidii loo xaqiijin lahaa ballanqaadyada dalalka ee ku aaddan yareynta qiiqa gaaska hawada kululeeya iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo isbeddelka cimilada. 

Halkan Ka Aqri Warbixino kale oo Muhiim ah:

Shirarkii COP ee Lagu Tilmaamay Kuwa “Fashilmay

Madaxweynihii hore ee Maraykanka oo ka qaybgalayay shirkii COP15 – Copenhagen.

Iyada oo shirka COP uu ka mid yahay madalaha ugu muhiimsan ee caalamiga ah oo lagu gorfeeyo isbedelka cimilada, hadana shirarka qaarkood ma aysan dhalin natiijooyin la taaban karo. Qaar ka mid ah shirarka la tilmaami karo in ay guuldarro la kulmeen waxaa ka mid ah:  Shirkii COP15 (2009, Copenhagen, Denmark),  Shirka Copenhagen wuxuu ahaa mid si weyn loo filayey in lagu gaaro heshiis cusub oo beddelaya Heshiiska Kyoto, kaas oo wakhtigiisa hore dhammaanayay 2012. Hase yeeshee, shirka Copenhagen waxaa hareeyay khilaafaad siyaasadeed iyo isfaham-waa u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray. 

Sababaha Inta Badan Keena Fashilka Iyo Heshiis La’aanta Shirka COP

Fashilka shirarka qaarkood wuxuu salka ku hayaa dhowr arrimood, balse aan kusoo koobno laba qodob kuwaas oo kala ah: 1. Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray ee ku saabsan cidda qaadanaysa masuuliyadda isbeddelka cimilada. Mareykanka iyo Shiinaha  ayaa markasta kujira tartan dhaqaale iyo warshadeed. Shirarkii hore waxaa laga arkay in dalalka lagu tilmaamo kuwa horumaray oo iyagu ah kuwa keenay dhibaatada aysan doonayn inay keligood qaataan masuuliyadda iyo 2. Arrimaha dhaqaale iyo sida dalalka horumaray ay u taageeri karaan dalalka saboolka ah si ay ula tacaalaan saameynta isbeddelka cimilada. 

Shirarka fashilmay ka sokoow, Shirarka COP waxa si joogta ah u hareeya kala arti duwanaansho la xiriira sida loo gaari karo yoolasha waxka qabashada Isbeddelka Cimilada, qaadashada masuuliyadda dhibaatada Isbeddelka cimilada, iyo bixinta dhaqaalaha maaliyadeed ee lasiinayo dalalka saboolka ah ee la kulmay waxyeelada Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale waxaa khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshada kaalin wayn kuleh xiisadda kusaabsan loolanka Shidaalka iyo Tamarta cagaaran oo markasta ah mid taagan iyo isku waafaqid la’aanta qaar kamid ah xalalka lasoo jeediyay ee Isbeddelka cimilada.

Ka qaybgalka Shirka ee Wakiilada Shirkadaha Waawayn.

Shirkadaha Saliidda iyo Gaaska

Doodda ku saabsan ka-qaybgalka wakiilada/ololeeyayaasha shirkadaha waaweyn (lobbyists) ee shirka COP waxay muddo dheer ahayd arrin la isku haysto. Iyadoo dhinacyo badan ay ku doodayaan in wakiiladan saameyn taban ku yeeshaan go’aannada la xiriira isbeddelka cimilada. Shirkadaha waaweyn —sida kuwa ka shaqeeya tamarta shidaalka fosilka ah ama shirkadaha kale ee ku lugta leh falalka la xiriirta wasakhaynta hawada— ayaa si joogto ah uga qeyb gala shirka COP iyagoo soo dirsada wakiilo u ololeeya  ama difaaca danahooda.  Waxaa jira eedo xooggan oo ah in dhaqaalo fara badan ay kubixiyaan ololeyaal iyo dacaayado si weyn u saameeya go’aannada ka soo baxa shirarka.

Maxaa lagu Heshiiyay Shirkii u dambeeyay ee COP28 (Dubai)

Go’aanka yaraynta ku tiirsanaanta shidaalku waa mid saamaynaya dalal fara badan oo dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay shidaalka. Dalalka ay kamid yihiin kuwa Khaliijka ayaa shidaalku u yahay isha dhaqaale ee ugu wayn, sidoo kale dalal ay Soomaaliya kamid ah tahay ayaa weli naawilaaya inay dhulka kala soo baxaan shidaal badan oo ceegaaga. Lama hubo in qorshaha yaraynta ku tiirsanaanta shidaalku uu yahay mid si dhab ah u hirgeli doona, hayeeshee dalal badan ayaa durba bilaabay inay u wareegaan tamarta cagaaran sida qoraxda iyo dabaysha oo koronto nadiif ah laga heli karo.

Sawir laga qaaday shirkii COP28 ee ka dhacay Dubai 2023.

Sidoo kale, COP28 waxaa lagu dejiyay qaab-dhismeed cusub oo loogu talagalay Hadafka Caalamiga ee La Qabsiga (Global Goal on Adaptation), kaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo adkeysiga iyo yareynta nuglaanta la xiriirta saameynta cimilada. Hase yeeshee, qaabkan cusub waxaa loo arkay in uu ka maqan yahay deeqaha dhaqaale ee cad ee loogu talagalay dalalka soo koraya si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada.

Qodobbada niyad-jabka keenay shirkii COP28 waxaa ka mid ahaa horumar la’aanta dhinaca maalgelinta cimilada, iyadoo dhowr go’aan oo muhiim ah dib loogu dhigay shirka COP29 ee dhawaan furmaya. Tan waxaa ku jira abuurista yool dhaqaale oo cusub oo lagu beddelo yoolkii hore ee Copenhegan (2009) oo ahaa in dalalka horumaray ay bixiyaan $100 bilyan sanadkiiba, taas oo aan weligeed si buuxda loo bixin. 

Ugu Dambayn Waxaa La tagayaa COP29, Baku, Azerbaijan.

Markale, kalkii 29aad waxaa lagu wada hadli doonaa magaalada Baku, ee dalka Azerbijan. Shirka waxa uu soconayaa  laga bilaabo 11 ilaa 24-ka November 2024, waxaana lagu qaban doono garoonka caanka ah ee Baku Stadium. Waxaa ka qaybgalaya ku dhawaad 70,000 qof oo ay ku jiraan 200 oo madaxda caalamka. Mukhtar Babayev, Wasiirka Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Azerbaijan, ayaa ah Madaxweynaha hogaamin doona Shirkan. COP29 wuxuu muhiim u yahay dib-u-eegista dadaallada ka dhashay heshiiskii Paris, dajinta ahdaaf cusub oo maaliyadeed iyo xoojinta qorshayaasha yareynta qiiqa wasakhaysan ee hawada lagusii daayo.

Warbixin kale ayaan si faahfaahsan ugu dul istaagi doonaa qodobada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono shirka Isbeddelka Cimilada ee UNFCCC-COP29. 

 

You may also like

2 comments

Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Looga Hadlayo Shirka Cimilada Ee COP29. - Green Media Initiative November 10, 2024 - 2:18 pm

[…] Taariikhda Iyo Marxaladihii Shirka Isbeddelka Cimilada Ee COP. […]

Reply
COP29 Oo Kusoo Dhamaaday Natiijo “Niyad jab leh”. - Green Media Initiative November 24, 2024 - 2:06 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Taariikhda ShirkaSanadlaha ah ee Isbeddelka Cimilada […]

Reply

Leave a Comment