Shir madaxeedka Cimilada aduunka ayaa kalkiisii 29aad ka furmaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Shirku waxa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 11-ka ilaa 22-ka bisha November. Qaramada Midoobay ayaa soo agaasinta shirkan oo sanadkasta dhaca, si looga wada hadlo Isbeddelka Cimilada oo walaac wayn ku haysa dunida oo dhan. Sanadkan shirka waxaa loo bixiyay COP-ka Maaliyadda ama Afka Ingiriisiga “COP of Finance” waxaana diirada lagu saari doonaa qaybo kamid ah shirka dajinta yool cusub oo maaliyadda cimilada (NCQG) iyo sidii lacag loogu qoondayn lahaa wadamada soo koraya ee ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay isbadalka cimilada.
Hadaba Waa Maxay COP?
Shirka Xubnaha ama dalalka (Conference of the Parties -COP) waa shir sanadle ah oo ay qabtaan wufuud ka socota dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbedelka Cimilada (UNFCCC). Heshiiska UNFCCC waxaa la saxiixay sanadkii 1992 intii uu socday Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Deegaanka ee loo yaqaan Earth Summit, oo ka dhacay magaalada Rio de Janeiro, ee dalka Brazil. Heshiiskan waxaa lagu gaaray in la yareeyo saameynta isbeddelka cimilada oo la hirgeliyo xalal waara oo lagu xakameynayo dhibaatada sii kordhaysa ee cimilada adduunka.
Sanadkasta, kumanaan wakiillo ah oo ka socda ku dhawaad dhammaan dalalka adduunka ayaa isugu yimaada shirkan, si ay uga wada hadlaan, ugana heshiiyaan siyaasadaha caalamiga ah ee cimilada, ula socdaan horumarka laga gaarayo wax ka qabashada isbedelka cimilada, isla markaana go’aanno uga gaaraan sidii loo sii wadi lahaa himilooyinka UNFCCC. Shirka COP ee sanad kasta waxa la rajeeyaa in laga dhaxlo heshiisyo iyo go’aamo muhiim ah oo ku saabsan tallaabooyinka la qaadayo si wax looga qabto isbedelka cimilada.
Shirkasta oo COP ah oo dhacaya waxaa la raaciyaa tirada ama lambarka uu yahay shirkaas, tusaale ahaan shirka dhacaya bisha soo socota waa COP29 taas oo la macna ah inuu yahay shirkii 29aad ee shirarka COP ee isbeddelka cimilada. Halka shirka ku xiga oo isna sanadka dambe loo asteeyay inuu ka dhaco dalka Brazil uu noqon doono COP30 ama COP kii Sodonaad.
Taariikh ahaan shirkii ugu horreeyay ee UNFCCC ee looga hadlo Isbeddelka Cimilada oo ahaa COP1 waxaa lagu qabtay magaalada Berlin, ee dalka Jarmalka sanadkii 1995kii. Tan iyo markaas, shirkan sanadlaha ah waxa uu noqday madal muhiim ah oo ay dalalku ku gorfeeyaan, kuna dejistaan siyaasadaha lagu xakameynayo isbedelka cimilada. Balse, waxa uu sidoo kale ahaa madal ay hareeyaan khilaafaad iyo isdiidooyin siyaasadeed oo la xiriira waxka qabashada isbeddelka cimilada. Dhawr jeer ayay dowlado diideen heshiisyo lagu gaaray shirka iyaga oo ku andacoonaya inay heshiisyadaasi ka hor imaanayaan danahooda.
Marka laga tago shirka Isbeddelka Cimilada ee COP UNFCCC oo aan maqaalkan ku faahfaahinayno, waxaa jira laba shir oo kale kuwaas oo iyana wata magaca COP, balse looga hadlo mawaadiic kale oo xiriir la leh Isbeddelka cimilada. Sida shirka Convention of Biological Diversity (COP CBD) oo ah shirka COP ee kala-duwanaanta noolaha kaasi oo looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa dabar go’a iyo luminta noolaha kala duwan. Sidoo kale waxa jira shirka COP UNCCD kaasi oo looga hadlo waxka qabashada arrimaha la xiriira xaalufka dhulka, saxaroowga iyo abaaraha.
Labada shir ee dambe waxaa la qabtaa labadii sanaba mar. Mid kamid ah oo ah COP16 of Convention of Bio-diversity ayaa hadda ka socda magaalada Cali, ee dalka Combia, halka midka dambena uu bisha December ka dhici doono dalka Saxaraha ah ee Sacuudi Carabiya. Tani waxa ay ka dhigan tahay in sanadka 2024 ay iskusoo aadeen saddex shir oo COP ah. Sidaas darteed ayaa sanadkan 2024 loo bixiyay sanadkii deegaanka.
Yaa ka qayb gala Shirka COP ee Isbadalka Cimilada?
Shirarka COP (Conference of the Parties) waxaa ka qayb gala dhinacyo kala duwan oo heer caalami ah, kuwaas oo matalaya dowlado, ururo, shirkado, dad caan ah, iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Ku dhawaad 200 oo waddan oo xubno ka ah Heshiiska Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (UNFCCC) ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee go’aannada siyaasadeed qaata. Ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Adduunka, iyo hay’ado kale oo taageero farsamo iyo dhaqaale bixiya ayaa door muhiim ah ku leh shirarkan taxanaha ah.
Sidoo kale, dadka u ololeeya deegaanka ayaa si weyn uga qayb gala shirarka. Iyaga oo u ololeynaya tallaabooyinka ay u arkaan xalalka waara ee lagu xoojin karo la dagaallanka isbeddelka cimilada. Waxaa kale oo taga shirkadaha shidaalka iyo tamarta kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo inay u ololeeyaan danahooda ganacsi si ay uga hortagaan go’aannada adag ee cimilada la xiriira. Cilmi-baarayaasha iyo khubarada ka socda jaamacadaha iyo hay’adaha cilmiyeed ee caalamiga ah ayaa sidoo kale ka qeyb gala, iyagoo soo bandhigaya xogta iyo daraasadaha cusub ee ku saabsan saameynta Isbeddelka cimilada iyo xalalka mustaqbalka.
Shirarkii Ugu Muhiimsanaa ee Isbeddelka Cimilada
Inkasta oo shirkan taxanaha ah ee 30 jirsaday dhalillo badan loo hayo, hadana waxaa jira qaar kamid ah shirarkii la qabtay oo si uun guulo muhiim ah u horseeday, waxaa ka mid ah: Shirkii COP3 oo ahaa shirkii 3aad ee shirarkan. Sanadkii 1997-kii ayaa lagu qabtay magaalada Kyoto ee dalka Japan, Shirkan waxaa laga soo saaray Heshiiskii Kyoto, kaasoo dalalka horumaray ku waajibiyay in ay 5% yareeyaan xadiga gaasaska kululeeya hawada (GHG) ee ay siidaayaan. Heshiiskan wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, inkasta oo uusan si dhamaystiran u dhaqan gelin, kadib markii uu diiday Maraykanka oo rumaysnaa in heshiisku waxyeeelaynayo dhaqaalahiisa.
COP21 (2015, Paris, France) ayaa waxaa laga soo saaray Heshiiska Paris, oo dalalka oo dhan ku waajibiyay in ay ku xaddidaan heer kulka aduunka in uu ka hooseeyo 1.5°C ama ugu badnaan 2°C marka lala barbardhigo sidii uu ahaa kacaankii warshadaha kahor. Si loo gaaro yoolkaas waxaa lagu heshiiyay in waddan kasta uu dejiyo yoolal qaran oo la xiriira yareynta sii deynta gaasaska hawada kululeeya, yoolalkaas oo loo yaqaano Nationally Determined Contributions (NDCs). iyadoo waddamada horumaray ay taageero dhaqaale iyo farsamo siinayaan waddamada saboolka ah si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada una hirgeliyaan yoolkooda NDCs.
Heshiiskii Paris ayaa ilaa hadda loo arkaa mid taariikhi ah oo weli saldhig u ah wada xaajoodyada Isbeddelka Cimilada.
COP26 (2021, Glasgow, UK) ayaa isna wuxuu diiradda saaray in la xoojiyo tallaabooyinka lagu fulinayo heshiiskii Paris iyo taageerada maaliyadeed ee ee la siinayo dalalka soo koraya si ay ula tacaalaan saameynta isbedelka cimilada. Inkasta oo shirkani la kulmay dhaliilo badan, hadana waxa jiray arimo dhawr ah oo loo arkay kuwa togan oo shirka kasoo baxay. Shirarkii ugu dambeeyay ee COP-ka Isbadalka Cimilada ayaa badankooda waxa ay diiradda saarayeen sidii loo xaqiijin lahaa ballanqaadyada dalalka ee ku aaddan yareynta qiiqa gaaska hawada kululeeya iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo isbeddelka cimilada.
Halkan Ka Aqri Warbixino kale oo Muhiim ah:
Shirarkii COP ee Lagu Tilmaamay Kuwa “Fashilmay“

Iyada oo shirka COP uu ka mid yahay madalaha ugu muhiimsan ee caalamiga ah oo lagu gorfeeyo isbedelka cimilada, hadana shirarka qaarkood ma aysan dhalin natiijooyin la taaban karo. Qaar ka mid ah shirarka la tilmaami karo in ay guuldarro la kulmeen waxaa ka mid ah: Shirkii COP15 (2009, Copenhagen, Denmark), Shirka Copenhagen wuxuu ahaa mid si weyn loo filayey in lagu gaaro heshiis cusub oo beddelaya Heshiiska Kyoto, kaas oo wakhtigiisa hore dhammaanayay 2012. Hase yeeshee, shirka Copenhagen waxaa hareeyay khilaafaad siyaasadeed iyo isfaham-waa u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray.
Dalal badan oo ka mid ah kuwa horumaray ayaa lagu eedeeyay inaysan doonayn inay qaataan masuuliyad dheeri ah oo ku saabsan yareynta qiiqa gaaska ee ay hawada kusii daayaan —kaasi oo ah waxa kordhiyay isbadalka cimlada— iyo inaysan daacad ka ahayn inay si buuxda u taageeraan dalalka soo koraya si ay ula tacaalaan dhibaatada ay iyagu ku sababeen. Ugu dambeyntii, ma jirin heshiis sharci ah oo la gaaray, waxaana shirkaas loogu magac daray “Fashilkii Copenhagen”.
Waxaa lamid ahaa COP25 (2019, Madrid, Spain) Oo si weyn looga filayey in la dejiyo xeerar iyo siyaasado cusub oo lagu xakameynayo qiiqa gaaska iyo hirgelinta heshiiskii Paris. Si kastaba ha ahaatee, shirka Madrid ayaa lagu guuldareystay in la gaaro heshiis buuxa oo ku saabsan suuqyada kaarboonka (carbon markets) oo kamid ah arimaha loogu muranka badan yahay ee kujira xalalka Isbeddelka cimilada. Sidoo kale waxaa la isku maandhaafsanaa taageerada dhaqaale ee la siinayo dalalka soo koraya. Diblumaasiyiin badan ayaa tilmaamay in shirkaas uu ka mid yahay shirarkii ugu liitay ee COP, iyadoo uu ku dhammaaday “niyad jab”.
Sababaha Inta Badan Keena Fashilka Iyo Heshiis La’aanta Shirka COP
Fashilka shirarka qaarkood wuxuu salka ku hayaa dhowr arrimood, balse aan kusoo koobno laba qodob kuwaas oo kala ah: 1. Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray ee ku saabsan cidda qaadanaysa masuuliyadda isbeddelka cimilada. Mareykanka iyo Shiinaha ayaa markasta kujira tartan dhaqaale iyo warshadeed. Shirarkii hore waxaa laga arkay in dalalka lagu tilmaamo kuwa horumaray oo iyagu ah kuwa keenay dhibaatada aysan doonayn inay keligood qaataan masuuliyadda iyo 2. Arrimaha dhaqaale iyo sida dalalka horumaray ay u taageeri karaan dalalka saboolka ah si ay ula tacaalaan saameynta isbeddelka cimilada.
Shirarka fashilmay ka sokoow, Shirarka COP waxa si joogta ah u hareeya kala arti duwanaansho la xiriira sida loo gaari karo yoolasha waxka qabashada Isbeddelka Cimilada, qaadashada masuuliyadda dhibaatada Isbeddelka cimilada, iyo bixinta dhaqaalaha maaliyadeed ee lasiinayo dalalka saboolka ah ee la kulmay waxyeelada Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale waxaa khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshada kaalin wayn kuleh xiisadda kusaabsan loolanka Shidaalka iyo Tamarta cagaaran oo markasta ah mid taagan iyo isku waafaqid la’aanta qaar kamid ah xalalka lasoo jeediyay ee Isbeddelka cimilada.
Ka qaybgalka Shirka ee Wakiilada Shirkadaha Waawayn.

Doodda ku saabsan ka-qaybgalka wakiilada/ololeeyayaasha shirkadaha waaweyn (lobbyists) ee shirka COP waxay muddo dheer ahayd arrin la isku haysto. Iyadoo dhinacyo badan ay ku doodayaan in wakiiladan saameyn taban ku yeeshaan go’aannada la xiriira isbeddelka cimilada. Shirkadaha waaweyn —sida kuwa ka shaqeeya tamarta shidaalka fosilka ah ama shirkadaha kale ee ku lugta leh falalka la xiriirta wasakhaynta hawada— ayaa si joogto ah uga qeyb gala shirka COP iyagoo soo dirsada wakiilo u ololeeya ama difaaca danahooda. Waxaa jira eedo xooggan oo ah in dhaqaalo fara badan ay kubixiyaan ololeyaal iyo dacaayado si weyn u saameeya go’aannada ka soo baxa shirarka.
Shirkii COP28 ee sanadkii hore ka dhacay Dubai ayaa la sheegay in tirada wakiilada ka socday shirkadaha shidaalka iyo tamarta ee ka qaybgalay shirka ay ka badanaayeen tiro ahaan dadka ka socday dalalka ugu waaweyn ee shirka ka qaybgalayay. 2456 wakiil ayaa ka socday shirkadahan, waxaa ka badanaa keliya wafuuda dalalka Brazil (3081) iyo UAE oo martigelinaysay shirka (4409). COP27 (Glasgow, 2021) iyo COP15 (Copenhagen, 2009) ayaa sidoo kale noqday kuwo ay aad u saameeyeen ololeeyayaal waaweyn oo ka kala yimid dhinacyada shirkadaha saliidda iyo gaaska , kuwaas oo sida lagu eedeeyay doonayay in ay dhibaato ka horkeenaan dadaalka lagu raadinayay heshiis caalami ah.
Waxaa jirtay cabasho badan oo ka imaanaysay daneeyayaasha u ololeeya arimaha deegaanka kuwaas oo codsanayay in ka qaybgalka xubnahan la dhimo ama la xadido. Hase ahaatee, kuwa kale ayaa qaba in ka qaybgalka shirkadaha ay muhiim tahay maadaama ay yihiin kuwa haysta teknolojiyadda iyo ilaha dhaqaale ee loo baahan yahay si wax looga qabto cimilada. Lifaaqan ka aqriso 9 ka shirkadood ee ugu caansan dhanka Saliidda iyo Shidaalka oo badan kooda ay leeyihiin dalalka horumaray.
Maxaa lagu Heshiiyay Shirkii u dambeeyay ee COP28 (Dubai)
Shirka COP28 oo lagu qabtay Dubai dabayaaqadii 2023, waxaa lagu gaaray heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan la dagaallanka isbeddelka cimilada, inkastoo qaar ka mid ah go’aannada ay la kulmeen muran. Heshiiska ugu weyn wuxuu ahaa in dunidu ay ku heshiiso “Hoos u dhigidda ku tiirsanaanta shidaalka” taas oo markii ugu horraysay la isku waafaqay. Waxa lagu tilmaamay in ay ka dhigan tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday yoolka lagu xaqiijinayo in heerkulka aduunka lagu haayo 1.5°C ama ugu badnaan 2°C ka hor dhamaadka qarniga, sida ku cad heshiiskii Paris ee 2015.
Go’aanka yaraynta ku tiirsanaanta shidaalku waa mid saamaynaya dalal fara badan oo dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay shidaalka. Dalalka ay kamid yihiin kuwa Khaliijka ayaa shidaalku u yahay isha dhaqaale ee ugu wayn, sidoo kale dalal ay Soomaaliya kamid ah tahay ayaa weli naawilaaya inay dhulka kala soo baxaan shidaal badan oo ceegaaga. Lama hubo in qorshaha yaraynta ku tiirsanaanta shidaalku uu yahay mid si dhab ah u hirgeli doona, hayeeshee dalal badan ayaa durba bilaabay inay u wareegaan tamarta cagaaran sida qoraxda iyo dabaysha oo koronto nadiif ah laga heli karo.

Shirka COP28, guul kale oo muhiim ah ayaa ahayd in la hawlgeliyo Sanduuqa Magdhawga Khasaariha iyo Waxyeelada (Loss and Damage Fund), kaas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dalalka uu sida ugu daran u saameeyay isbeddelka cimilada. Inkastoo deeqo dhan ku dhawaad $700 milyan la ballanqaaday intii uu socday shirkii Dubai, haddana tani waa mid aad uga hooseysa lacagtii loo baahnaa iyada oo u dhiganta waxka yar 2% khasaaraha ay sanadkasta dalalka saboolka ah kala kulmaan isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, COP28 waxaa lagu dejiyay qaab-dhismeed cusub oo loogu talagalay Hadafka Caalamiga ee La Qabsiga (Global Goal on Adaptation), kaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo adkeysiga iyo yareynta nuglaanta la xiriirta saameynta cimilada. Hase yeeshee, qaabkan cusub waxaa loo arkay in uu ka maqan yahay deeqaha dhaqaale ee cad ee loogu talagalay dalalka soo koraya si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada.
Qodobbada niyad-jabka keenay shirkii COP28 waxaa ka mid ahaa horumar la’aanta dhinaca maalgelinta cimilada, iyadoo dhowr go’aan oo muhiim ah dib loogu dhigay shirka COP29 ee dhawaan furmaya. Tan waxaa ku jira abuurista yool dhaqaale oo cusub oo lagu beddelo yoolkii hore ee Copenhegan (2009) oo ahaa in dalalka horumaray ay bixiyaan $100 bilyan sanadkiiba, taas oo aan weligeed si buuxda loo bixin.
Ugu Dambayn Waxaa La tagayaa COP29, Baku, Azerbaijan.
Markale, kalkii 29aad waxaa lagu wada hadli doonaa magaalada Baku, ee dalka Azerbijan. Shirka waxa uu soconayaa laga bilaabo 11 ilaa 24-ka November 2024, waxaana lagu qaban doono garoonka caanka ah ee Baku Stadium. Waxaa ka qaybgalaya ku dhawaad 70,000 qof oo ay ku jiraan 200 oo madaxda caalamka. Mukhtar Babayev, Wasiirka Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Azerbaijan, ayaa ah Madaxweynaha hogaamin doona Shirkan. COP29 wuxuu muhiim u yahay dib-u-eegista dadaallada ka dhashay heshiiskii Paris, dajinta ahdaaf cusub oo maaliyadeed iyo xoojinta qorshayaasha yareynta qiiqa wasakhaysan ee hawada lagusii daayo.
Dalalka laga dheereeyay dhanka horumarka (LDCs) oo ah kuwa ugu badan ee la kulma waxyeelada isbeddelka cimilada ayaa u arka mid kamid ah shirarkii ugu muhiimsanaa ee COP, iyada oo sanadkan lagu naanaysay shirkii Maaliyadda (COP of Finance). Dalalkan oo ay Soomaaliya kujirto ayaa rajeynaya in sare loo qaado lacagaha loo qoondaynayo dalalka soo koraya si ay ula tacaalaan Isbeddelka Cimilada. Hayeeshee waxaa sugaysa dood wayn, waxaana la filayaa in cadadka lacagta ay ka doodayaan dhinacyada ay u dhaxayn doonto farqi wayn.
Warbixin kale ayaan si faahfaahsan ugu dul istaagi doonaa qodobada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono shirka Isbeddelka Cimilada ee UNFCCC-COP29.
2 comments
[…] Taariikhda Iyo Marxaladihii Shirka Isbeddelka Cimilada Ee COP. […]
[…] Halkan Ka Akhri: Taariikhda ShirkaSanadlaha ah ee Isbeddelka Cimilada […]