Home Articles & Features Isbeddelka Cimilada: Soomaaliya oo loo ansixiyey Lacag ku dhaw $100 Million

 Isbeddelka Cimilada: Soomaaliya oo loo ansixiyey Lacag ku dhaw $100 Million

by Admin
1 comment 2 mins read

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund. Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $95 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo U Adkeysiga Isbadalka Cimillada ee Bulshada Beeraleyda  Soomaaliyeed. 

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah ” ayey tiri Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi. 

“Soomaaliya waxa ay la timid ka go’naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed” ayay raacisay Wasiir Kadija.

Kulankii lagu ansixiyay mashruuca oo ay goobjoog ka ahayd Wasiir Khadiija Al Makhzoumi

Mashruucan oo loogu magac daray “Ugbaad” wuxuu socon doona 7 sanadood, isaga oo dib u soo celin doona in ka badan 50,000 hektar oo dhul ah oo saxaroobay ama tayo dhacay (Degraded land), wuxuuna tababari doonaa 86,000 oo beeralay iyo xoolo dhaqato ah si loo baro habka waxbeerashada ee iska caabin karta cimilada qalafsan, iyadoo sidoo kale la dayactirayo kaabayaasha muhiimka ah sida kanaalada waraabka iyo waddooyinka deegaanada miyiga. 

Waxa kale oo mashruucu wax wayn ka qaban doonaa hagaajinta hanaanka Silsiladda qiimaha cuntada (Value chains) iyo Helitaanka xogta ama macluumaadka Cimilada oo muhiim u ah ka faaiideystayaasha. Ugbaad wuxuu awood siin doonaa bulshada inay si fiican uga jawaabaan ula qabsadaan  caqabadaha ay kala kulmaan isbeddelka cimilada, ayna horumariyaan noloshooda.

Mashruucan oo diiradda saaraya sugnaanta cuntada (Food security), wuxuu si toos ah u caawin doonaa 1.2 milyan oo qof, iyadoo 973,000 oo qof oo kale si dadban uga faa’iideysan doonaan. Fulinta mashruuca waxaa qayb ka noqon doonta Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO, Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS & Hay’ado kale.

You may also like

1 comment

COP: Waxkasta Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee Isbadalka Cimilada. - Green Media Initiative October 27, 2024 - 5:22 pm

[…] Soomaaliya Oo Loo Ansixiyey Lacag Ku Dhaw $100 Million Oo Wax Looga Qabanayo  Isbadalka Cimilada  […]

Reply

Leave a Comment