Home Articles & FeaturesIsbeddelka Cimilada: Sababaha, Saamaynta, iyo Xalka

Isbeddelka Cimilada: Sababaha, Saamaynta, iyo Xalka

by Ahmed Absie
11 comments

Waa Maxay Isbeddelka Cimilada?

Isbeddelka cimiladu waa isbeddelka muddo dheer ka dhaca nidaamka cimilada dunida, gaar ahaan heer kulka aduunka  oo si aan caadi ahayn  sare ugu kaca. Qodobka ugu muhiimsan ee keena isbeddelkan waa kordhinta gaasaska hawada wasakheeya ee loo yaqaano Greenhouse gase emissions, sida CO₂, methane, nitrous oxide, F-gases, iyo walxaha lamidka ah. Gaasaskan marka ay hawada galaan waxay qabtaan ama celiyaan  kuleylka qorraxda —oo caadi ahaan dib ugu noqon lahaa bannaanka ama hawada sare— taas oo keenta in heerkulka dhulku si aan caadi ahayn u kordho. Inkasta oo isbeddelka cimiladu ahaa arrin si dabiici ah dhulka uga dhacaysay mudo dheer   haddana cilmi-baarayaashu waxay cadeeyeen in falalka bini’aadamka sameeyeen ay si weyn uga qaybqaateen isbeddelka xawliga u dhacaya ee hadda jira.

Isbeddelka cimilada waxa uu soo ifbaxay qarnigii 19-aad markii saynisyahanno ay bilaabeen inay dareemaan in noocyada gaasaska ka yimaada warshadaha iyo walxaha la warshadeeyay ee lagusii daayo hawada ay kordhinayaan heerkulka dhulka. Cilmi baarayaal kala duwan oo mudo sanado ah daraasaad xiriir ah waday waxa ay si dheer  diiradda u saareen xiriirka ka dhexeeya kaarboon laba ogsaydhka (CO₂) iyo isbedelka cimilada. Waxaana ay sheegeen in sii kordhinta CO₂ hawada lagu sii daynayaa ay keeni karto in heerkulka dhulku uu kordho, taas oo runtii la arkay inay dhab noqotay bartamihii qarnigii 20-aad. 

Sidoo kale, xog laga helay dayax-gacmeedyada iyo iyo xarumaha la socdka ama kaydiya rekoorada isbeddelada heer kulka dhulka  ayaa caddeeyay in isbeddelka cimiladu tahay xaqiiqo. Dayax-gacmeedyadu iyo xarumaha la socodku waxay diiwaangeliyaan isbeddelka ku dhacaya barafka cidhifyada dunida oo dhalaalaya, kulaylka badda oo kordhaya, iyo roobka u da’aya sida aan la saadaalin karin . Xogtan waxay si cad u muujinaysaa in isbeddelka cimilada uu ka socdo meelo badan oo dunida ah, iyadoo saameyn ku leh badaha, dhulka, iyo bini’aadamka.

Maxaa Asal Ahaan Sababay Isbeddelka Cimilada?

Sababta ugu weyn ee keentay isbeddelka cimilada waa gubista shidaalka fosilka ah sida saliidda, gaaska dabiiciga ah, iyo dhuxusha, kuwaas oo hawada ku sii daaya gaasaska wasakhaysan sida Kaarboonka. Sidoo kale, waxyaabaha kale ee shidaaliya isbeddelka cimilada waxaa ka mid ah jarista dhirta, oo yareysa awoodda deegaanka ee qabashada hawada CO₂ oo ah tan ugu badan ee kuleylka hawada ka qayb qaadata. Dhaqdhaqaaqyada kale ee bini’aadamka sida wershadaha, gaadiidka, iyo dhismaha magaalooyinka ayaa iyaguna kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee keena doorsoonka cimilada.

Sidoo kale, beeraha iyo hawlaha la xiriira xoolaha ayaa qayb ka qaata sii deynta gaaska loo yaqaano Methane, kaasi oo ah gaaska labaad ee ugu muhiimsan ee saameeya cimilada. Methane waa gaas aad ugu sii jira hawada muddo gaaban laakiin wuxuu leeyahay awood aad u weyn oo uu ku celiyo kuleylkii hawada sare u bixi lahaa kaasi oo kusii jiraya hawadeena, kadibna na dareensiinaya kuleyl iyo isbeddel dhanka cimilada ah. Sidoo kale xoolaha, gaar ahaan lo’da iyo riyaha, waxay sii daayaan methane inta ay daaqayaan iyo inta ay dheefshiidka sameynayaan.

Adeegsiga noocyada kaladuwan ee tignoolajiyada cusub sida: baabuurta, aaladaha kale, qaboojiyayaasha, tallaajadaha, bacrimiyayaasha kiimikada ee beeraha iyo kuwa la hal maal ee loo isticmaalo baahiyaha kala duwan ayaa kordhiya qiiqa lagusii daayo hawada, warshadaha (dharka, birta, shamiitada/sibidhka, kiimikada, warshadaha cun- tada i.w.m.) waxa ay sidoo akle hawada ku sii daayaan xaddi badan oo ah qiiqa hawada kululeeya ee Greenhouse gases (GHG).

Maxaa Ka Dhashay Isbeddelka Cimilada?

Isbeddelka cimilada wuxuu sababayaa xaalado qatar ah oo ka muuqda daafaha caalamka. Fatahaado, abaaro, dabaylo xoogan, heerka biyaha badda oo sare u kacaya, iyo biyo yaraan ayaa noqday kuwo soo noqnoqday oo saameeyay nolosha balaayiin qof. Dhanka deegaanka, isbeddelka cimiladu wuxuu sababay in qaar ka mid ah noocyada noolaha ay halis ugu jiraan dabar-go’, halka qaar kalena ay dhibaato kala kulmaan isbeddelka xaaladaha deegaankooda. Waxaa sidoo kale la arkay in coral reefs-ka badda ay noqdeen kuwa dhibaato soo gaartay, taasoo yareynaysa kaluunka iyo noocyada kale ee ku nool badaha.

Si gaar ah,  Isbeddelka cimiladu waxa uu si weyn u saameeyay Soomaaliya, taas oo cawaaqib xumo weyn ku leh dadka, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha lama filaanka ah, iyo kororka heerkulka ayaa keenay cunto yari baahsan, barakac, iyo yaraansho ama naaqus ku socda xoolaha Soomaaliya. Wax-soosaarka beeraha, oo ahaa isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ayaa wajahayaa cadaadis xoogan oo ka imaanaya musiibooyinka ka dhalanaya Isbedelka Cimilada. Xaaladaha noocan ah waxay sidoo kale sii kordhiyeen dhibaatada bani’aadanimo ee ka jirta wadamo badan oo sabool ah sida Soomaaliya.

Maxaa Dhacaya Hadii Aan Waxba Laga Qaban Isbeddelka Cimilada?

Khubaradu waxa ay rumaysan yihiin in haddii aan tallaabo degdeg ah loo qaadin wax ka qabashada isbeddelka cimilada, dunida ay wajihi karto  dhibaatooyin halis ah oo saameyn weyn ku yeesha nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Heer-kulka dhulka ayaa si joogto ah kor ugu kici kara, taasoo keenta dhalaalidda barafka ceegaaga cirifyada aduunka, badda oo masaaxo ahaan kororta, iyo dalal iyo magaalooyin xeebaha ku yaalla ama jaziirado ah oo halis ugu jira inay baddu ka dul marto.

Waxaa sidoo kale la filayaa in abaaro iyo fatahaado ay sii kordhaan, iyadoo wadamada saboolka ah, sida Soomaaliya, ay si gaar ah ugu nugul yihiin khataraha dabiiciga ah.

Saameyntu waxay gaari kartaa xoolaha, dhirta, iyo beeraha, iyadoo wax-soosaarka dalagyada uu si weyn hoos ugu dhici karo, dalalka ayay suuragal tahay inay awood u yeelan wayaan inay soo saaraan cunto ku filan, taas oo dhalinaysa cunno-yari iyo kororka qiimaha cuntada. Dhibaatooyinkaasi waxay sababi karaan barakac iyo muran ka dhasha khayraadka sida biyaha iyo dhul beereedka, gaar ahaan marka khayraadkaasi yaraadaan. Tani oo si wayn u hurin karta colaado iyo dagaallo ka dhex dhaca bini’aadamka.

Waxaa laga cabsi qabaa in haddii aan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah la qaadin, isbeddelka cimilada uu gaadhi karo heer aan laga soo noqon karin, taas oo sababi karta burbur dhaqaale, deegaan, iyo mid bulsho oo aan horey loo arag. Shirarka caalamiga ah ee cimilada sida Conference of The Parties (COP), ayaa isku dayaya inay dowladaha caalamka ku qanciyaan muhiimadda tallaabooyinka degdega ah ee lagama maarmaanka ah si loo xakameeyo xaaladda ka sii daraysa.

Xal u Raadinta Isbeddelka Cimilada

Waxaa jira dadaallo caalami ah oo loogu talagalay in xal waara loogu helo isbeddelka cimilada. Dadaalladan waxaa ka mid ah heshiisyada caalamiga ah sida Heshiiskii Paris, oo waddamada aduunka oo dhan ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii deynta gaasaska hawada lagusii daayo ee loo yaqaano Greenhouse gases (GHG), si loo xadido kuleylka sii kordhaya ee dhulka. Heshiisyada noocan oo kale ah waxay sidoo kale ka hadlaan sidii loo dhisi lahaa adkeysiga bulshooyinka nugul iyo sidii dhaqaale loo bixin lahaa si loogu taageero waddamada saboolka ah si ay ula qabsadaan Isbeddelka cimilada.

Waxaa kale oo jira isku dayo lagu hormarinayo tiknoolojiyada tamarta nadiifka ah sida tamarta qoraxda iyo dabaysha, kuwaas oo yareynaya baahida loo qabo shidaalka fosilka ah ee sababa qiiqa ugu badan ee hawada lagu sii dayo. Wadamada qaar waxay qaadeen tallaabooyin gudaha ah oo lagu yareynayo sii deynta gaaska iyadoo la adeegsanayo shuruuc adag oo lagu xakameynayo warshadaha iyo isticmaalka shidaalka. Balse dalalka oo dhan ma laha awood dhaqaale oo ay talaabo ku qaadaan.

Khilaafaadka iyo Doodaha Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xal u raadinta isbeddelka cimilada waa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladaha. Wadamada hodanka ah sida Mareykanka iyo kuwa Yurub waxay qayb weyn ku leeyihiin sii deynta gaaska hawada kululeeya ee keenay Isbeddelka cimilo, halka wadamada saboolka ah ee soo koraya ay ku doodaan in iyaga aysan masuul ka ahayn dhibaatada, balse ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada la kulma.

Waddamada saboolka ah waxay codsanayaan in waddamada hodanka ah ay qaataan masuuliyad buuxda ayna bixiyaan dhaqaale badan oo loogu talagalay wax ka qabashada cawaaqibta isbeddelka. Cadadka lacagaha ay bixin karaan dalalka horumaray ayaa ah arin had iyo jeer doodi ka taagan tahay, iyada oo shirka Isbadalka Cimilada ee sanadkan 2024 oo ka dhacaya Baku, Azerbaijan maalmo kamid ah laga doodi doono arimaha dhaqaalaha ee Isbeddelka Cimilada (Climate Finance) si loo dejiyo yool cusub oo maaliyadeed.

Heshiisyo caalami ah sida Heshiiskii Paris ee 2015 ayaa isku dayay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah, iyadoo waddamada ka qayb galay ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii deynta gaasaska hawada wasakheeya ama kululeeya ee loo yaqaano Greenhouse gases, si loo yareeyo heerkulka aduunka. Si kastaba ha ahaatee, waddamo badan oo warshadahooda ama dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay shidaalka ayaa weli ka caga jiidaya fulinta ballan-qaadyadooda, taasi oo abuurtay is faham la’aan iyo daacadnimo la’aan.  

Shirarka COP UNFCCC iyo Kaalintooda. 

Shirarka COP waa fagaare caalami ah oo dowladaha iyo daneeyayaasha kale uga wada hadlaan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada. Shirarkaan, oo sanadle ah, waxay fursad u siiyaan in waddamada ay isla meel dhigaan qorshayaal iyo heshiisyo la xidhiidha cimilada, taas oo kor u qaadaysa wada shaqeynta caalamiga ah. Shirkii COP21 ee Paris lagu qabtay 2015 ayaa noqday mid taariikhi ah, iyadoo la isku raacay qorshe la hiigsanayo oo lagu yareynayo sii-deynta gaasaska hawada.

Shirar kale sida COP26 iyo COP28 oo sanadkii hore dhacay ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo sii adkeyn lahaa fulinta ahdaaftaasi. Shirarkan caalamiga ah ayaa waxaa ka qayb gala dowladaha caalamka, ururrada aan dowliga ahayn, iyo ganacsiyada waaweyn, kuwaas oo dhammaantood isku dayaya in ay isku waafaqaan tallaabooyin caalami ah oo lagu xakameynayo isbeddelka cimilada.

Ugu dambayntii, Isbeddelka cimiladu waa caqabad caalami ah oo u baahan tallaabooyin degdeg ah. Haddii aan la qaadin tallaabooyin waaweyn, waxa uu si weyn u saameyn doonaa aadanaha iyo noolaha kale ee dunida. Waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo heshiisyada caalamiga ah iyo dadaallada gudaha si loo yareeyo saamaynta isbeddelkan oo si ba’an u sii kordhaya.

You may also like

11 comments

Sadam hussen hassan October 22, 2024 - 4:10 pm

Masha allah waa xog dhamaytiran qofkii raba inuu wax ka ogaado isbadalka cimilada ay ku filantahay.
Aad iyo aad umahadsantihiin👍

Reply
COP: Waxkasta Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee Isbadalka Cimilada. - Green Media Initiative October 27, 2024 - 1:59 pm

[…] Isbadalka Cimilada: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Lasoo Jeedinayo […]

Reply
Isbedelka Cimilada: Hadda Halkee Xaaladdu Maraysaa? - Green Media Initiative October 30, 2024 - 3:12 pm

[…] Halkan ka aqri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbedelka Cimilada […]

Reply
Isbedelka Cimilada: Hadda Halkee Taagannahay? - Green Media Initiative October 30, 2024 - 3:18 pm

[…] Halkan ka aqri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbedelka Cimilada […]

Reply
Guusha Trump iyo Saameynta ay Ku Yeelan Karto Dadaallada Isbeddelka Cimilada - Green Media Initiative November 6, 2024 - 5:16 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada […]

Reply
COP29 Oo Kusoo Dhamaaday Natiijo “Niyad jab leh”. - Green Media Initiative November 24, 2024 - 2:04 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamayn, iyo Xalka Isbeddelka Cimilada […]

Reply
Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Looga Hadlayo Shirka Cimilada Ee COP29. - Green Media Initiative January 11, 2025 - 12:24 pm

[…] Isbeddelka Cimilada: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka […]

Reply
Prosopis Juliflora (Cali-garoob): Somalia’s Most Dangerous Invasive Species - Green Media Initiative February 5, 2025 - 4:16 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada […]

Reply
Isbeddelka Cimilada: Soomaaliya oo loo ansixiyey Lacag ku dhaw $100 Million - Green Media Initiative February 10, 2025 - 2:50 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada […]

Reply
Ma Dareentay Kuleylka Sii Kordhaya Ee Aduunka? - Green Media Initiative April 27, 2025 - 12:14 pm

[…] Halkan Ka Akhri: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Isbeddelka Cimilada […]

Reply
COP: Wax Walba Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee Isbeddelka Cimilada. - Green Media Initiative July 15, 2025 - 3:01 pm

[…] Isbeddelka Cimilada: Sababaha, Saamaynta iyo Xalka Lasoo Jeedinayo […]

Reply

Leave a Comment