Magaalada Muqdisho, waxa laga daahfuray warbaahintii ugu horeysay Soomaaliya ee cagaaran taasi oo u gaar ah ka waramidda dadaalada quseeya deegaanka, Isbadalka Cimilada, waxsoosaarka iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo ililaha cagaaran ee Soomaaliya.
Agaasimaha Green Media Initiative – GMI, Mudane Axmed Cabsiiye ayaa isaga oo ka qaybgalaya shirka Soomaaliya ee Isbadalka Cimilada 2024 oo lagu qabtay Muqdisho 23 – 24 bishii June la wadaagay ka qaybagalayaasha shirka warbixin ku saabsan sida ay u shaqaynayso Green Media Initiative iyo sababihii keenay in la hirgeliyo warbaahintan u gaarka ah barnaamijyada iyo wararka la xiriira deegaanka, beeraha iyo Isbadalka Cimilada.
“Green Media Initiative- GMI, oo aad Af Soomaali ahaan ugu yeeri kartaan Warbaahinta Cagaaran, waxay ka shaqaynaysaa keliya wararka iyo barnaamijyada la xiriira beeraha, deegaanka iyo arrimaha khuseeya sida Tamarta Cagaaran iyo Isbadalka Cimilada. Waa warbaahintii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga aasaaso Soomaaliya. Waxaana rajaynaynaa inay isbadal wayn abuurto, midayso dadaalada cagaaran iyo ololayaasha dalka ka socda ee lagu badbaadinayo deegaanka “. Ayuu yiri Agaasime Axmed.
Green Media waxa ay diiradda saaraysaa soosaarista warar, sheekooyin, farriimo, barnaamijyo documentaries ah, podcasts iyo barnaamijyo raadiye oo lagu baahinayo macluumaad la xiriira deegaanka, beeraha, tamarta dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada oo saamayn wayn ku yeelanaya nolosha bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo aysan aad warbaahintu uga hadal ama aan la siin miisaankii ay u qalmeen.
“Ujeedkeena waa in aan isu keeno oo aan Makarafoon cusub oo cagaaran siino dadka u dhaqdhaqaaqa badbaadada deegaanka iyo kobcinta waxsoosaarka gudaha. Anaga oo aqoonyahanka kala duwan ee dhinacyadaaas bartay kaashanayna waxaan rabnaa in aan waxka badalno oo horumarino fahamka bulshada ee la xiriira isbadalka cimilada, waxsoosaarka iyo isku filnaanshaha”. Axmed.
Ka qaybgalayaasha shirka oo isugu jiray aqoonyahano u dhaqdhaqaaqa arimaha deegaanka, ardayda Jaamacadaha iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay Green Media, iyaga oo ku sifeeyay warbaahin oo loo baahnaa, isla markaana timid waqtigii ugu haboonaa. Waxa ay sidoo kale ku dhiirigeliyeen Green Media Initiative in ay diiradda saaraan barnaamijyada la xiriira aqoonta deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
Halkan ka daawo qaar kamid ah martida kasoo qaybgashay shirka oo nala wadaagay fikirkooda.