Waxaa qoray: Hussien Mohamed Yusuf iyo Abdiweli Sulaiman Abdi
Geeska Afrika wuxuu helay digniin xilli hore ah oo muhiim ah. Saadaasha cimilada ee gobolka oo lagu soo saaray meertadii 74aad ee shirkii GHACOF74 ee ka dhacay Kigali, Rwanda, 18 Agoosto 2026, waxay muujinaysaa fursad sii kordheysa oo ah in roobabka Deyrta ee bilaha Oktoobar ilaa Diseembar 2026 uu noqonayo roob ka badan intii caadiga ahayd.
Saadaashan waxaa soo saaray Xarunta Saadaasha iyo Adeegyada Cimilada ee IGAD (ICPAC), iyadoo ay kaashanayaan Hay’adaha Qaranka ee Saadaasha Hawada iyo Biyaha ee dalalka Geeska Afrika iyo bahwadaag kale. Waxay dowladaha, hay’adaha bani’aadannimada, bulshada iyo daneeyayaasha kale siinaysaa waqti muhiim ah oo ay ugu diyaar garoobaan roobab culus oo aad u xooggan oo dhici kara.
Xilliga Oktoobar–Diseembar waa mid ka mid ah xilliyada roobabka ugu muhiimsan ee qaybaha dhulbaraha iyo koonfurta Geeska Afrika. Wuxuu qayb ka yahay ilaa 70 boqolkiiba roobabka sannadlaha ah ee qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, iyo ilaa 40 boqolkiiba roobabka sannadlaha ah ee qaybo ka mid ah dalalka Rwanda, Burundi, Tanzania iyo Uganda. Sidaas darteed, sida uu xilli roobaadkani noqdo waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa beeraha, xoolaha, helitaanka biyaha, sugnaanta cuntada, caafimaadka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.
Haatan, sida saadaashu tilmaamayso, koonfurta Itoobiya, bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyo waqooyi-bari Kenya waxaa jira 90 boqolkiiba fursad ah in roobabku ka bataan intii caadiga ahayd ee di’ijirtay. Roobabka xilliyeedna waxay ka badan karaan 400 millimitir qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, bartamaha Kenya, aagga Harada Victoria, Burundi, galbeedka Rwanda iyo galbeedka Tanzania.

Roobabka Deyrta ayaa la filayaa inay ka bilowdaan xilli hore ama waqtigoodii caadiga ahaa inta badan Soomaaliya, bartamaha iyo bariga Kenya, koonfurta Itoobiya iyo inta badan Tanzania. Isla markaana, heerkul ka sarreeya celceliska caadiga ah ayaa laga filayaa inta badan gobolka, gaar ahaan bariga Kenya, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Arrinkani keliya maaha war ku saabsan cimilada, waa digniin hore oo ay tahay inay si degdeg ah u saameyso qorshayaasha diyaar-garowga dowladaha, hawlaha bani’aadannimada, go’aannada horumarinta deegaanka iyo tallaabooyinka ay qaadaan bulshada ay saamaynta ku yeelanayso xaaladdan.
Fahamka waxa sababaya roobabkan xooggan ee la filayo
Roobabka la filayo waxay la xiriiraan isbeddellada heerkulka badaha oo saameeya hababka cimilada ee dunida. El Niño ayaa ka samaysmay Badweynta Baasifigga, waxaana la filayaa inuu sii xoogaysto inta ka harsan sannadka 2026. Isla markaana, Indian Ocean Dipole (IOD) oo macneheedu yahay marka sakxadda Bedweynta Hindiya, Bariga iyo Galbeedka ay qaybteedna kululaanayso qaybteedna qaboobeyso, ama kala duwanaanshaha heer-kulka beriga iyo galbeedka Badweynta Hindiya, ayaa la filayaa inuu galo marxalad togan (positive phase).
Marka labadan xaaladood ee cimiladu isku mar dhacaan, waxay inta badan gacan ka geystaan kordhinta roobabka qaybaha bari ee Geeska Afrika. ICPAC waxay roobabkii da’ay sanadihii 1997 iyo 2023 u aqoonsatay kuwa taariikhi ah oo tix-raac u leh isbarbardhigga xaaladahan, maadaama labadaas sano bilihii Deyrta ee Oktoobar ilaa Diseembar ay inta badan gobolka ka da’een roobab xooggan oo ka badanaa sidii caadiga ahayd.
Si kastaba ha ahaatee, isbarbardhigga sannadihii hore waa in loo adeegsadaa oo keliya in lagu fahmo xaaladda iyo diyaar-garowga loo baahan yahay. Balse macnuhu ma aha in dhacdooyinkii 1997 ama 2023 ay sannadka 2026 si isku mid ah u soo noqon doonaan. Saadaasha hadda lasoo saaray ayaa weli ah isha ugu muhiimsan ee xogta laga qaadan karo si go’aan loo gaaro.
Sidoo kale, saadaasha roobab ka badan intii caadiga aheyd, macnaheedu ma aha in meel kasta fatahaad ka dhici doonto ama in roobku si joogto ah u da’i doono saddexda bilood ee Deyrta oo dhan. Roobabku si weyn ayay ugu kala duwanaan karaan waqtiga ay da’ayaan, xooggooda iyo goobta ay ka da’ayaan intaba. Meelo ayaa heli kara roob waqti dheer socda, halka meelo kalena ay heli karaan roob aad u culus oo ku da’a saacado ama maalmo kooban.
Sidaas darteed, diyaar-garowgu waa inuu yahay mid la tacaali kara wadarta roobka la filayo xilliga oo dhan, iyadoo la dhawrayo sida degdegga ah ee roobku u da’ayo, meesha uu ka da’ayo, iyo in webiyada, carrada, nidaamyada biyo-mareennada, bulaacadaha iyo kaabayaasha kale ay si ammaan ah oo buuxda u qaadi karaan ama u gudbin karaan biyahaas.
Roob badan wuxuu noqon karaa fursad iyo khatar labadaba
Kaddib abaaro soo noqnoqday oo ka dhacay qaybo ka mid ah Geeska Afrika, roobabka la filayo inay kordhaan waxay keeni karaan gargaar iyo xal aad loogu baahanaa. Waxay dib u buuxin karaan kaydadka biyaha sida biyo-xireennada, ceelasha, baraagaha iyo ilaha biyaha dhulka hoostiisa. Waxay soo celin karaan daaqa.
Roobabka ma-higaanka ahi waxay nafaqayn karaan xoolaha, waxay wax tar weyn u lahaan karaan wax-soo-saarka dalagga beeraha, isla markaana abuuri karaan fursado lagu keydsado biyaha roobka.
Si kastaba ha ahaatee, roobku wuxuu faa’iido noqdaa marka si wanaagsan loo maareeyo. Isla roobka buuxinaya kaydadka biyaha oo soo celinaya daaqa wuxuu burburin karaa mood iyo noolba, sida guryaha, beeraha, Buundooyinka, laamiyada, iyo kaabayaal muhiim ah marka uu si aad ah u xoog bato, ama uu kusii da’o dhul uu roob hore helay, ama uu ka da’o dhulal ay biyo-mareennadoodu xumaadeen ama xirmeenba.
Roobabka aadka u xooggan waxay dhulka engegan iyo magaalooyinka ka abuuri karaan fatahaado degdeg ah, halka roobabka muddo dheer socda ay kordhin karaan heerarka biyaha webiyada oo ay sababi karaan fatahaado baahsan oo webiyada ka dhasha. Biyaha fatahaaduhu waxay qaadi karaan dad iyo duunyo, waxay baabi’in karaan dalagyada, waxyeello u geysan karaan iskuullada iyo xarumaha caafimaadka, waxay wasakheyn karaan ilaha biyaha laga helo, isla markaana jari karaan waddooyinka isku xira bulshooyinka iyo suuqyada iyo adeegyada muhiimka ah.
Biyaha fadhiya ee wasakhaysan waxay kordhin karaan khatarta daacuunka iyo cudurrada kale ee biyaha wasakhaysan lagu kala qaado. Balliyada iyo meelaha biyuhu ku ururaan waxay noqon karaan goobo ay kaneecadu ku taranto, taas oo kordhin karta khatarta duumada ama kaneecada iyo cudurrada kale ee ay cayayaanku gudbiyaan. Adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ayaa sidoo kale hakad geli kara xilli ay bulshooyinka ay musiibadu saameysay aadka ugu baahan yihiin.
Bulshooyinka xoolo-dhaqatadu waxay ka heli karaan biyo iyo daaq badan, balse isla waqtigaas waxay wajihi karaan cudurrada xoolaha, waddooyinka la isu maro oo waxyeellooba, dhul daaqsimeed go’dooma iyo meelaha webiyada laga gudbo oo halis noqda. Beeraleydu waxay heli karaan roob ku filan oo wax-soo-saarka dalagyada taageera, laakiin waxay sidoo kale lumin karaan dalagyadooda haddii ay biyuhu ku bataan beeraha, carradu nabaad-guurto ama fatahaad dhacdo, gaar ahaan marka biyo-mareennada iyo hannaanka ilaalinta carradu aysan wanaagsanayn.
Magaalooyinka gobolka badankood oo si degdeg ah u koraya ayaa inta badan leh nidaamyo biyo-mareen oo aan ku filnayn, dhismayaal isku raran ah oo laga sameeyay dhulalka fatahaaduhu gaaraan iyo marinnada biyaha, waxaa u dheer maarayn liidata ee qashinka, iyo dad badan oo ku nool goobo aan deegaan ku habooneyn. Roobabka xooggan ayaa si degdeg ah u buuxin kara meelahan, taas oo keeni karta dhimasho, barakac, burbur hantiyeed iyo hakad ku yimaada dhaqdhaqaaqa dhaqaale.
Soomaaliya iyo meelaha ku dhow waxay u baahan yihiin fiiro gaar ah
Soomaaliya iyo dhulka hooseeya ee ku dhow ee Itoobiya iyo Kenya waxay u baahan yihiin diyaar-garow degdeg ah oo isku-duwan. Webiyada ay wadaagaan dalalkan, dhulalka biyo-qabadka ee qalalan, waddooyinka xuduudaha isaga gudba iyo hab-nololeedka xoolo-dhaqatada guurguura waxay abuuraan khataro isku sidkan.
Roobab xooggan oo ka da’a buuraleyda Itoobiya waxay kordhin karaan heerarka biyaha webiyada, waxayna sababi karaan fatahaado ka dhaca deegaanada hoose ee Soomaaliya, xitaa marka roobka ka da’aya deegaannada Soomaaliyeed ee ay fatahaaduhu saameeyeen uu yahay mid dhexdhexaad ah. Sidaas darteed, diyaar-garowga meelaha ku hareeraysan webiyada Jubba iyo Shabeelle waa inuu ku dhisnaadaa xog is-weydaarsi joogto ah oo la wadaagaa xogta ku saabsan roobabka ka da’aya meelaha sare, heerarka biyaha webiyada iyo xaaladda kaydadka biyaha ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxay wajahayaan isku-dar ah khataraha fatahaadaha webiyada iyo daadadka degdegga ah. Bulshooyinka ku nool hareeraha webiyada, marinnada biyaha kale sida togagga iyo dhulka hooseeya waa in si joogto ah loo siiyo xog ku saabsan isbeddellada xaaladda, waddooyinka ammaanka ah ee dadka iyo duunyada loo daad-gureyn karo, goobaha ku-meelgaarka ah ee la dejin karo iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Aagga saddex-geesoodka Mandheera, oo ay wadaagaan Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa sidoo kale u baahan isku-duwid dhow oo ka gudubta xuduudaha. Fatahaadaha degdegga ahi waxay waxyeello u geysan karaan waddooyinka, waxay go’doomin karaan ama carqaladayn karaan dhaqdhaqaaqa xoolaha, ganacsiga, suuqyada iyo bixinta gargaarka bani’aadannimo. Buundooyinka tirada yar ee ku yaalla webiyada Jubba, Tana iyo Shabeelle ee ka badbaaday fatahaadihii sanadkii 2023 ayaa halis ugu jira inay qaadaan ama waxyeeleeyaan biyuhu. Intaa waxaa dheer, bulshooyinka xuduudaha ku nool waxay inta badan ku tiirsan yihiin adeegyo, dhul daaqsimeed, suuqyo iyo ilo biyo oo ku yaalla dhinaca kale ee xuduudaha.
Khataraha cimiladu ma aqoonsana xuduudaha siyaasadeed ee dalalka. Sidaas darteed, diyaar-garowgu waa inuu ka gudbaa xuduudaha degmooyinka, gobollada iyo dalalka. Isku-duwid iyo wada-shaqayn xuduudaha ka gudubta ayaa muhiim u ah la socodka khataraha, wadaagista digniinaha iyo ilaalinta bulshooyinka noloshooda iyo hab-nololeedkoodu ku tiirsan yahay isu-socodka xuduudaha.
Saadaasha oo loo beddelo tallaabo xilli hore la qaado
Mudnaanta koowaad waa in saadaasha gobolka loo beddelo xog maxalli ah oo faahfaahsan oo si fudud loo fahmi karo. Hay’adaha qaranka ee saadaasha hawada iyo biyuhu waa inay aqoonsadaan meelaha ay u badan tahay inay ka dhacaan roobab culus, fatahaado degdeg ah, daadad, fatahaado webiyeed iyo khataraha kale ee la xiriira.
Hay’adaha maaraynta musiibooyinka, dowladaha hoose iyo wasaaradaha ay khusayso waa inay saadaashaas u beddelaan talaabooyin iyo xogo wax-ku-ool ah oo la fahmi karo. Waa inay si cad u sharxaan waxa dhici kara, meesha ay ka dhici karto, cidda iyo waxa ay saameyn karto, iyo tallaabooyinka la qaadi karo.
Saadaal xilliyeedku waxay faa’iido u leedahay qorsheynta hore, balse ma bixin karto dhammaan faahfaahinta looga baahan yahay hawlgallada maxalliga ah. Dowladaha, hay’adaha bani’aadannimada iyo bulshadu waa inay sii wadaan la socodka saadaasha toddobaadlaha ah, billaha ah iyo kuwa muddada gaaban. Sidoo kale waa in si joogto ah loo kormeeraa heerarka biyaha Kujira webiyada, qoyaanka carrada, xaaladda kaydadka biyaha iyo xogta ay bulshada soo gudbiso.
Mudnaanta labaad waa in la dhaqaajiyo qorshayaasha tallaabooyinka hore ee ka-hortagga khataraha si wada jir ah, (anticipatory action) lana helo maalgelin lacageed ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin. Sanduuqyada xaaladaha lama filaanka ah, qorshayaasha wax iibsiga degdegga ah, nidaamyada lacagaha lagu taageero dadka xilliga gurmadka degdegga ah iyo heshiisyada u dhexeeya dowladaha iyo hay’adaha bani’aadannimada, waa in la diyaariyaa ka hor inta aan aysan dhicin waxyeeladu.
In la sugo ilaa guryuhu burburaan, hab-nololeedyada bulshadu lumaaan, bulshooyinkuna barakacaan waxay meesha ka saaraysaa ujeeddadii digniinta loosoo saaray kal hore. Marka saadaasha iyo la socodka heerarka webiyadu muujiyaan in dhicitaanka khatartu sii kordhayso, dowladaha iyo bahwadaagtu waa inay diyaar u yihiin inay si degdeg ah tallaabooyin u qaadaan.
Tallaabooyinka hore waxaa ka mid noqon kara in qoysaska nugul la siiyo lacag caddaan ah oo ku salaysan sida ay tahay saadaashu, in cuntada iyo agabka muhiimka ah horay loo sii diyaariyo, in la qaybiyo agabka lagu nadiifiyo biyaha, in la diyaariyo hoy ku-meelgaar ah, la taageero daad-gureynta dadka diyaarka ah ee doorta, lana raro qalabka iyo kaydadka muhiimka ah ee yaalla meelaha fatahaaduhu gaari karaan. Daawooyinka, maro-kaneecada, agabka daaweynta daacuunka, tallaallada xoolaha, doomaha yaryar iyo qalabka samatabbixinta waa in la hor dhigo meelaha ay u badan tahay inay go’doomaan. Bulshooyinku waa inay ogaadaan halka ay yaallaan agabka gurmadka iyo hay’adda ka masuulka ah bixinta gargaarkaas.
Yareynta khatarta ka hor inta uusan roobku xoogaysan
Maamullada hoose waa inay ka faa’iidaystaan waqtiga diyaar-garowga ee haray si ay u nadiifiyaan biyo-mareennada, dhuumaha, bulaacadaha iyo marinnada biyaha. Qashinka xannibaya biyo-mareennada waa in laga saaraa oo si ammaan ah loo tuuraa. Jambiyada webiyada iyo meelaha laga xakameeyo ee daciifka ah waa in la kormeeraa oo la xoojiyaa, halka biyo-xireennada iyo dhismayaasha kale ee lagu maamulo biyaha ay tahay in si degdeg ah loo sameeyo qiimeyn badbaado.
Ilaha biyaha, ceelasha riigagga, musqulaha iyo goobaha qashinka lagu shubo waa in laga ilaaliyaa wasakhowga. Hay’adaha caafimaadku waa inay xoojiyaan la socodka cudurrada, waa inay kaydiyaan dawooyinka muhiimka ah, diyaariyaan kooxaha caafimaadka guurguura, ayna aqoonsadaan waddooyin kale oo lagu gaari karo bulshooyinka haddii waddooyinku xirmaan.
Hay’adaha waddooyinku waa inay khariidadeeyaan ama calaamadeeyaan meelaha inta badan fatahaaduhu gooyaan, isla markaana meelahaas u dhow dhigaan mashiinnada, shidaalka iyo agabka dayactirka. Buundooyinka, meelaha laga gudbo iyo qaybaha waddooyinka ee nugul waa in la kormeeraa ka hor inta uusan roobku xoogaysan. Gaadiidleyda iyo dadka safarka ahna waa in waqtigii ku habboonaa la gaarsiiyo xogta waddooyinka aan ammaanka ahayn iyo waddooyinka kale ee la isticmaali karo.
Buundooyinka hore u go’ay, sida, Baardheere iyo Buurdhuubo, waa in Doomo kale lala gaaro, laguna xoojiyo intii hore.
Hay’adaha beeruhu waa inay beeraleyda kala taliyaan waqtiga beerista, noocyada dalagyada ku habboon, ilaalinta carrada iyo biyo-mareennada beeraha. Beeraleyda ku nool meelaha fatahaaduhu halista ku yihiin waxaa laga yaabaa inay u baahdaan taageero ay ku ilaashadaan abuurka, qalabka beeraha, dalagyada la goostay iyo calafka xoolaha.
Hay’adaha xannanada xooluhu waa inay kordhiyaan la socodka cudurrada la xiriira xilli roobaadka, sameeyaan tallaalka marka loo baahdo, ayna xoolo-dhaqatada kala taliyaan dhulka daaqsimeed ee ammaanka ah iyo waddooyinka la marsiin karo xoolaha. Calafka xoolahana waa in lagu kaydiyaa meelo aan fatahaaduhu gaari karin.
Tallaabooyinkan waa in si taxaddar leh loo qorsheeyo. Xoojinta meel ka mid ah hareeraha webiga waa inaysan biyaha fatahaadda u weecin ama u leexin bulsho kale. Nadiifinta biyo-mareennadana waa inay la socotaa maarayn wanaagsan oo lagu maareeyo qashinka kasoo baxa magaalooyinka. Kaabayaasha kaydinta biyaha roobkana waa in si ammaan ah loo dhisaa loona dayactiraa si looga hortago burburka biyo-xireennada, nabaad-guurka iyo samaysanka goobo ay cudur-sidayaashu ku tarmaan.
Qorshayaasha la diyaariyo ee daad-gureyntu waa inay mudnaanta siiyaan carruurta, dadka waayeelka ah, haweenka uurka leh, dadka naafada ah iyo qoysaska aan haysan gaadiid. Hoyga ku-meelgaarka ah waa inuu lahaadaa biyo ku filan, fayadhowr, adeegyo caafimaad, amni, asturnaan iyo ilaalin.
Tallaabada hore ee ka-hortaggu ma aha oo keliya in si degdeg ah loo dhaqaaqo. Waa in tallaabada saxda ah la qaado ka hor inta aysan khatartu dhicin, iyadoo la ilaalinayo karaamada dadka lagana fogaanayo in khataro cusub la abuuro.
Xogta cimiladu waa inay gaartaa dadka sida weyn ugu baahan
Saadaasha cimiladu qiimo badan uma laha badbaadinta dadka haddii ay ku ekaato hoolka GHACOF, warbixinno farsamo, shirar ama xafiisyada dowladda. Xogtu waa inay gaartaa dadka go’aaminaya inay beertaan dalag, xoolaha daajis gaystaan, guryahooda dhistaan, ganacsigooda ilaashadaan, beddelaan waddada ay safarka u maraan ama marka loo baahdo u daad-gureeyaan meelaha sare ee ammaanka ah.
Digniinaha waa in lagu gudbiyaa kanaallo badan oo lagu kalsoon yahay, oo ay ka mid yihiin idaacadaha maxalliga ah, kulamada bulshada, shaqaalaha bixiya adeegyada, shaqaalaha caafimaadka, Iimaamyada Masaajidda, ama hoggaamiyeyaasha diinta, iskuullada, guddiyada maaraynta musiibooyinka, ururrada suuqyada, farriimaha taleefannada gacanta, baraha bulshada iyo adeegyada codka ee is-dhexgalka leh.
Farriimaha waa in lagu bixiyaa luqadaha maxalliga ah iyo qaabab ay si fudud u heli karaan dadka. Waa in la soo cel-celiyo, lana cusboonaysiiyo. Hal ogeysiis oo la bixiyo bilowga xilliga roobka kuma filna, gaar ahaan marka xaaladuhu si degdeg ah isu beddeli karaan.
Farriintu waa inay ka gudubtaa oo keliya sheegidda in roobab xooggan la filayo. Bulshadu waxay u baahan tahay inay ogaato saameynta ay ku yeelan karto ee suuragalka ah, meelaha khatartu ugu badan tahay, waqtiga khatartu ugu sarreyso, tallaabooyinka ay qaadi karto, meelaha ay tahay inay ka fogaato iyo halka ay ka heli karto gargaar.
Erayada farsamada sida El Niño iyo Indian Ocean Dipole (IOD), Milimitir, waxay faa’iido u yeelan karaan saynisyahannada, balse bulshadu waxay u baahan tahay talooyin wax-ku-ool ah. Digniintu waa inay beeraleyda u sheegtaa haddii ay u baahan yihiin inay hagaajiyaan biyo-mareennada beeraha, xoolo-dhaqatadana haddii meel webi laga gudbo ay khatar tahay, ganacsatada haddii waddo muhiim ahi xirmi karto, qoysaskana haddii ay tahay inay isu diyaariyaan guuris ama inay daad-gureeyaan carruurta iyo duunyada kale.
Isgaarsiintu waa inay sidoo kale noqotaa laba-geesood. Xogta bulshada ee ku saabsan kororka biyaha webiyada, xannibaadaha biyo-mareennada, biyo-xireennada waxyeeloobay, cudurrada xoolaha, waddooyinka aan ammaanka ahayn iyo dhaqdhaqaaqa dadka waa in lagu daraa nidaamyada rasmiga ah ee kormeerka iyo go’aan-qaadashada.
Haweenka, beeraleyda, xoolo-dhaqatada, kalluumaysatada, gaadiidleyda, dadka barakacay iyo dadka naafada ah waxay khataraha cimilada u la kulmi karaan siyaabo kala duwan. Aqoontooda iyo ka-qaybgalkoodu waxay hagaajin karaan saxnaanta, ku-dhaqanka iyo kalsoonida tallaabooyinka diyaar-garowga. Warbaahintuna waxay leedahay masuuliyad weyn oo la xiriirta badbaadada bulshada. Saxafiyiintu waa inay si joogto ah uga helaan xogta muhiimka ah ee warbaahineed hay’adaha saadaasha hawada, biyaha, caafimaadka iyo maaraynta musiibooyinka. War aan taxaddar lahayn wuxuu abuuri karaa cabsi aan loo baahnayn, halka war aan caddayn ama is-waafaqsanayn uu keeni karo in dadku khatarta fududeystaan. Xogta saadaasha waa in si sax ah loo gudbiyaa, lana raaciyaa digniino cad oo la xaqiijiyay oo loogu talagalay bulshada.
Afar mudnaan oo muhiim u ah muddada diyaar-garowga
- Marka koowaad, dowladuhu waa inay saadaasha ka dhigaan mid maxalli ah oo ay khariidadeeyaan saameynteeda suuragalka ah. Xogta gobolka waa in lagu daraa saadaasha qaranka iyo tan maxalliga ah, la socodka webiyada, khariidadaha khatarta fatahaadaha, xogta kaabayaasha iyo aqoonta bulshada. Degmo kasta, gobol kasta, xaafad kasta iyo aag kasta oo xuduudaha ka gudba waa inuu ogaadaa meelaha ugu waaweyn ee khatartu ka jirto iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee la qaadi akro.
- Marka labaad, dowladaha iyo bahwadaagtu waa inay sii daayaan lacagaha maalgelinta hore oo ay qaadaan tallaabooyin wax-ku-ool ah ka hor inta aysan khasaaruhu dhicin. Nadiifinta biyo-mareennada, ilaalinta ilaha biyaha, xoojinta la socodka caafimaadka, horay u dhigista agabka gurmadka, dayactirka waddooyinka muhiimka ah iyo taageeridda kaydinta biyaha waxay noqon karaan kuwa faa’iido leh xitaa haddii xaaladda ugu daran ee roobabka aysan dhicin.
- Marka saddexaad, hay’aduhu waa inay sameeyaan nidaamyo xooggan oo digniintu ku gaarto dadka ugu dambeeya ee ay khusayso. Digniinaha waa in lagu gudbiyaa luqado iyo qaabab ay bulshadu fahmi karto, iyadoo la siinayo tilmaamo cad. Isgaarsiinta iyo xiriirku waa inay isku darto idaacadaha, digitalka iyo teknoolojiyadda taleefannada gacanta iyo ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan meelaha fog-fog iyo dadka guurguura.
- Marka afraad, dalalku waa inay xoojiyaan isku-duwidda iyo isku xirnaanta ka dhexaysa qaybaha kala duwan iyo xuduudaha. Hay’adaha saadaasha hawada iyo biyaha, hay’adaha maaraynta musiibooyinka, caafimaadka, beeraha iyo xoolaha, hay’adaha biyaha, waddooyinka, hay’adaha bani’aadannimada, maamullada hoose iyo warbaahintu waa inay ka qaybqaataan kulamo hawleedyo joogto ah. Xogta ka imanaysa dhinaca sare iyo dhinacyada hoose waa in si degdeg ah loo wadaagaa, gaar ahaan hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo meelaha kale ee biyuhu ka gudbaan xuduudaha.
Qiimaha saadaashu wuxuu ku jiraa khasaaraha ay ka hortagto
Saadaasha roobabka bilaha Oktoobar–Diseembar 2026 waxay gobolka siisay wax aad u muhiim ah: waqti uu ku diyaar garoobo.
Dowladaha iyo bulshadu uma baahna inay sugaan ilaa webiyadu fatahaan, waddooyinku baaba’aan ama qoysasku barakacaan ka hor inta aysan tallaabo qaadin. Xogta sayniska waxaa la helay waqti hore oo ku filan in lagu hago qorsheyo, lagu sii daayo kheyraadka sida lacagaha laguna ilaaliyo dadka khatartu sida weyn u saameyn karto.
Maadaama ay tahay xarunta cimilada ee gobolka, ICPAC waxaa laga filayaa inay sii waddo bixinta xogaha cusub ee gobolka, halka Hay’adaha Qaranka ee Saadaasha Hawada iyo Biyuhu ay soo saari doonaan saadaal faahfaahsan ee dal kasta iyo digniinaha loogu talagalay bulshada. Daneeyayaashu waa inay si joogto ah ula socdaan xogahan, maadaama saadaasha xilliyeed ay sii isbeddeli doonto, khataraha maxalliga ahna ay si degdeg ah u soo bixi karaan.
Sidaas darteed, diyaar-garowga waa in loo arkaa geeddi-socod joogto ah, oo aan ahayn tallaabo hal mar la qaado.
Saadaashu waa mid ku filan in tallaabo iyo go’aano degdeg ah lagu qaado, balse weli waxaa ku jira hubanti-la’aan u baahan in si joogto ah loola socdo isbeddellada cimilada. Haddii tallaabo xilli hore la qaado, roobabka la filayo inay kordhaan waxay dib u buuxin karaan ilaha biyaha, waxay taageeri karaan beeraha, soo celin karaan hab-nololeedka xoolo-dhaqatada, iyada oo la yareeyay khatar fataahado ama waxyeello ee ay gaysan karaan.
Haddii digniintan laga hadlo oo keliya, balse aan loo beddelin tallaabo dhab ah, gobolka wuxuu mar kale wajihi karaa khasaarooyin ay xogta cimilada ee waqtigeeda la helay gacan ka geysan kartay ka hortaggooda iyo baajinteeda. Guusha saadaashan laguma cabbiri doono oo keliya saxnaanta khariidadaha saadaasha, balse waxaa lagu cabbiri doonaa sida degdegga ah ee xogtu u gaarto bulshooyinka khatartu saameyn karto, go’aannada ay beddesho, tallaabooyinka ka hortag ee ay horseeddo, iyo ta ugu muhiimsan, nolosha iyo hab-nololeedyada ay badbaadiso. Ugu dambeyn, diyaar-garowga huffan ayaa ka raqiisan ka jawaabidda dhibaatooyinka marka ay dhacaan.
W/Q: Hussien Mohamed Yusuf iyo Abdiweli Sulaiman Abdi
Waxa Turjumay: Green Media Initiative (GMI)
Hussein iyo Abdiweli waa khubaro ku takhasusay la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo maaraynta khatarta musiibooyinka (DRM). Muddo sannado badan ah ayay ka shaqaynayeen sidii saadaasha cimilada gobolka loogu beddeli lahaa tallaabooyin wax-ku-ool ah oo laga qaado Geeska Afrika iyo gobollada Koonfurta Afrika, iyagoo taageeraya bahwadaag kala duwan oo ka hawlgala Afrika.
Xuseen iyo Abdiweli waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadcelinayaan Green Media Initiative oo turjuntay maqaalkan, kana shaqeeysay sidii uu u gaari lahaa bulshada iyo akhristayaasha af-Soomaaliga.