Home Articles & FeaturesDeyrta 2026: Soomaaliya oo laga filayo roobab xooggan, iyadoo El Niño uu sii xoogeysanayo

Deyrta 2026: Soomaaliya oo laga filayo roobab xooggan, iyadoo El Niño uu sii xoogeysanayo

by Admin
0 comments

19 Agoosto 2026: Xarunta Saadaasha iyo Adeegyada Cimilada IGAD ee ICPAC ayaa soo saartay saadaasha cimilada ee gobolka ee xilliga Deyrta bilaha Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar (OND) 2026, kaddib shirka GHACOF74 oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kigali ee Rwanda. Saadaashu waxay muujinaysaa fursad sii kordheysa oo roobab ka badan sidii caadiga ahayd ay ka da’aan inta badan Geeska Afrika.

Soomaaliya: 90% fursad roobab ka xoogan sidii caadiga ahayd

Xilliga Deyrta ee bilaha Oktoobar–Diseembar  waa xilli-roobaad muhiim u ah Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Geeska Afrika. Roobabka xilligan waxay ka qayb qaataan ilaa 70% wadarta roobabka sannadlaha ah ee la helo. Saadaasha roobabka ee gobolka waxay muujinaysaa 90% fursad ah in roobab ka badan sidii caadiga ahayd ee hore u di’i jirtay ay ka da’aan bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya, iyo sidoo kale koonfurta Itoobiya iyo waqooyi-bari Kenya.

Waxaa sidoo kale jirta fursad sare oo ah in roobabka xilliyeed ay ka badan karaan 400mm qaybo ka mid ah bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya. Tani waxay muujinaysaa suurtagalnimada xilli Deyr ah oo roobabku ka badan yihiin celceliska caadiga ah, taas oo dhinac ka noqon karta fursad muhiim ah oo biyaha, beeraha iyo xoolaha ah, balse dhinaca kale kordhin karta khatarta fatahaadaha iyo daadadka ku saamayn karaan magaalooyinka iyo beeraha.

Goorma ayay roobabku bilaaban karaan Soomaaliya?

Waqtiga roobabku bilaabanayaan wuxuu ku kala duwanaan karaa deegaanada gobolka. Si kastaba ha ahaatee, saadaashu waxay muujinaysaa in bilowga roobabku u badan yahay inuu noqdo xilli hore oo ah bisha October inta badan qaybaha bari iyo koonfurta Geeska Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto, iyo sidoo kale bartamaha iyo bariga Kenya, koonfurta Itoobiya iyo inta badan Tanzania.

Roobabku waxa ay sababi karaan fatahaado waawayn magaalooyinka iyaga oo burburin kara waxsoosaarka beeraha

1997 iyo 2023: Maxay ka dhigan yihiin?

Iyadoo lagu salaynayo xaaladaha cimilada ee hadda jira iyo sida la filayo inay u kordhaan waxaa loo aqoonsaday in  sannadihii 1997 iyo 2023 ay yihiiin sannado la barbar dhigi karo xaaladda hadda jirta. Labadaas sano, inta badan Geeska Afrika iyo Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab aad u xoogan.

Deyrtii 1997–98 waxaa loo yaqaannaa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xoogga badnaa ee El Niño ee la diiwaangeliyay, waxaana xilligaas Soomaaliya iyo qaybo gobolka ah laga diiwaangeliyay roobab aad u badan iyo fatahaado. Soomaaliya dhexdeeda, xusuusta roobabkii xilligaas waxay weli ku xooggan tahay bulshada, waxaana loo bixiyay “Deyrtii Biyo Badan.”  

Sidoo kale, Deyrtii 2023 oo uu El Niño door ku lahaa, Soomaaliya waxaa ka dhacay fatahaado baahsan. Qiimeyn rasmi ah ee khasaarihii ka dhashay ayaa sheegtay in fatahaadihii 2023 ay 16 degmo ka geysteen saameyn waxyeelo dhaqaale iyo jireed oo dhan US$176.1 milyan (ICE SIMAD). Magaalooyinka Beledweyne, Doolow iyo Baardheere waxay ka mid ahaayeen degmooyinkii sida weyn ay  u saameysmay El Niño.

Saadaasha hadda waxay muujinaysaa in roobabka xilliga Deyrta ee bilaha soo socda ay ka xoog badnaan karaan kuwii da’ay Deyrtii 2023, iyagoo suuragal ah inay u dhowaadaan xaaladihii Deyrtii Biyo Badan ee 1997, taas oo ay saameyn ku yeelan karto xaaladda El Niño oo sii xoogeysanaysa, oo mararka qaar si aan rasmi ahayn loogu tilmaamo “Super El Niño.”

Fariinta muhiimka ah ee Soomaaliya

Saadaasha hadda waxay muujinaysaa in Deyrta 2026 ay noqon karto Deyr roobabkiisu ka badan yihiin sidii hore, gaar ahaan gobolada kuyaala bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya, halka qaybo ka mid ah dalka laga filayo roob xilliyeed ka badan 400mm.

Roobab badan waxay noqon karaan fursad muhiim ah oo lagu helo biyo, laguna taageero xoolaha, beeraha iyo deegaanka, laakiin sidoo kale waxay kordhin karaan khatarta fatahaadaha iyo daadadka, gaar ahaan meelaha hooseeya, hareeraha webiyada iyo goobaha ay ka jiraan biyo-mareenno xaddidan.

Sidaas darteed, bulshada, dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, maamullada hoose, hay’adaha gurmadka, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada waxaa muhiim ah inay hore uga sii diyaar garoobaan roobabka iyo khataraha fatahaadaha, ayna si joogto ah ula socdaan digniinaha iyo saadaasha rasmiga ah.

FG: Saadaashu waa suuragalnimo, mana aha xaqiiqo la hubo 100%. Xoguhu waa kuwa isbeddeli kara markasta, sidaas darteed bulshada waxaa lagu boorrinayaa inay si joogto ah ula socdaan saadaasha iyo digniinaha cusub ee hay’adaha ku shaqada leh.

You may also like

Leave a Comment