Home Articles & FeaturesEl Niño 2026: Roobab Xooggan oo Suurtagal Ah Xilliga Deyrta

El Niño 2026: Roobab Xooggan oo Suurtagal Ah Xilliga Deyrta

by Ahmed Absie
0 comments
Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa shaacisay in ay jirto suurtagalnimo sare oo ah in xaaladda cimilo ee El Niño ay dib u soo laabato sanadka 2026. Khubarada ayaa ku qiyaasay in fursadda uu El Niño ku samaysmi karo inta u dhaxaysa bilaha Juun iyo Agoosto ay gaareyso 80%, halka ay ka badan tahay 90% suurtagalnimada inuu sii socdo ugu yaraan illaa bisha Nofeembar oo ah bartamaha xilliga Deyrta.

Xogtan ayaa walaac ka abuurtay hay’adaha caalamiga ah ee cimilada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in saadaashu cilmigu si cad u muujinayo in El Niño uu ku soo wajahan yahay dunida bilaha soo socda, isla markaana loo baahan yahay in loo arko digniin cimilo oo degdeg ah. Wuxuu xusay in El Niño uu sii xoojin karo saameynta isbeddelka cimilada, islamarkaana saameyn weyn ku yeelan karta bulshada nugul.


El Niño wuxuu sababi karaa cimilooyin kala duwan; halka meelo ay la kulmaan roobab iyo fatahaado, kuwo kalena waxay wajahaan abaaro. Geeska Afrika badanaa wuxuu la kulmaa roobab ka badan caadiga.

Laakiin waa maxay El Niño, maxayse muhiim u tahay in aan sii ogaano?

El Niño waa dhacdo dabiici ah oo dhacda marka biyaha Badweynta Pacific-ga ay si aan caadi ahayn u kululaadaan. Inkastoo badweyntaas ay Soomaaliya aad uga fog tahay, haddana isbeddelkaasi wuxuu saameyn ku yeeshaa cimilada dunida oo dhan, gaar ahaan roobabka, heerkulka, abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana ay si kala duwan u saamaysaa gobolada dunida.

Soomaaliya, El Niño waxaa badanaa lala xiriiriyaa roobab ka badan intii caadiga ahayd ama la yaqaanay, gaar ahaan xilliga Deyrta (Oktoobar ilaa Diseembar). Roobabkani mararka qaar waxay faa’iido u noqon karaan beeraha iyo kaydadka biyaha, balse marka ay aad u bataan waxay isu beddeli karaan daadad iyo fatahaado sababa khasaarooyin waaweyn.

Dhacdadii ugu xoogga badnayd ee El Niño ayaa dhacday sanadihii 1997–1998. Xilligaas, qaybo badan oo Soomaaliya ah waxaa ku dhuftay fatahaado waaweyn oo burburiyay guryo, beero, waddooyin iyo deegaano. Kumannaan qoys ayaa ku barakacay, halka kuwo kalena ay xoolo iyo beero ku waayeen fatahaadaha oo aad u badnaa. Dhacdadaas oo ahayd waxa loo yaqaan “Super El Niño”, oo ah El Niño aad u xooggan, ayaa weli si weyn ugu xardhan xusuusta Soomaalida, kuwaas oo inta badan ugu yeera “Deyrtii Biyo Badan”, maadaama ay keentay roobab iyo fatahaado aan caadi ahayn oo saameeyay qaybo badan oo dalka ah.

Sidoo kale sanadkii 2023, El Niño dhexdhexaad ah ayaa sababtay roobab xooggan iyo daadad saameeyay qaybo badan oo dalka ah. Dad badan ayaa ku barakacay, dalagyo badan ayaa baaba’ay, taasoo sii kordhisay dhibaatooyinkii ka dhashay abaaraha hore.

Akhri Sheekada: Suxufigii Ka Qayb Qaatay Badbaadinta In Ka Badan 200 Qof Xilligii El Niño 2023

Hadda, khubaradu waxay ka digayaan in haddii El Niño uu noqdo mid xooggan, saameyntiisa ay sii kordhin karto isbeddelka cimilada ee dunida ka socda. Sababtoo ah dunidu maanta way ka kulushahay, kana nugushahay sidii ay ahayd 1997-kii, taas oo kordhin karta halista roobabka culus, fatahaadaha, kulaylka daran iyo dhibaatooyinka la xiriira wax soo saarka cuntada.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO), Celeste Saulo, ayaa sheegtay in dunidu u baahan tahay inay u diyaar garowdo El Niño xooggan oo suurtagal ah 2026, kaas oo kordhin kara abaaraha, roobabka culus iyo mowjadaha kulaylka daran ee dhulka iyo badaha labadaba. Waxay sidoo kale xustay in El Niño-gii 2023–2024 uu ka mid ahaa shantii dhacdo ee ugu xoogga badnayd ee abid la diiwaangeliyo, isla markaana uu door ku lahaa heer-kulkii rikoodhka ahaa ee dunida laga diiwaangeliyay sanadkii 2024.

Halisda El Niño ma aha roobka keliya, balse waa sida ay bulshooyinka iyo kaabayaashu ugu diyaarsan yihiin inay la tacaalaan

Si kastaba ha ahaatee, muhiim ma aha in bulshada lagu cabsi geliyo. Khubaradu waxay carrabka ku adkaynayaan in El Niño aanu mar walba la macno ahayn musiibo. Waxa ugu muhiimsan waa in bulshada, beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo hay’adaha dowladda ay helaan xog sax ah oo hore, si ay ugu diyaar garoobaan wixii isbeddel ah ee cimiladu keeni karto.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo in saameynta El Niño aysan isku mid noqon doonin dhammaan gobollada dalka. Waqooyiga Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay dareento saameynta qaar inta lagu jiro bilaha xagaaga ee hadda bilaabanaya, halka bartamaha iyo koonfurta dalka ay inta badan saameynta ugu weyn dareemaan xilliga Deyrta, marka ay kordhaan roobabka iyo halista fatahaadaha.

Warbixinnada ugu dambeeyay waxay muujinayaan in 2026 uu noqon karo sanad muhiim u ah cimilada Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin in El Niño uu noqon doono mid aad u xooggan ama mid dhexdhexaad ah, haddana digniinta khubaradu waxay fursad u tahay in bulshada loo diyaariyo xog sax ah, wacyigelin iyo qorsheyn hore.

Dhanka kale, Xarunta Saadaasha iyo Adeegyada Cimilada ee IGAD (ICPAC) ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la socodka xaaladdan, iyadoo soo saareysa warbixino iyo talooyin dheeraad ah oo ku saabsan sida El Niño u saameyn karo Geeska Afrika iyo Bariga Afrika bilaha soo socda.

Su’aasha ugu weyn maanta ma aha in El Niño iman doono iyo in kale, balse waa: Soomaaliya intee in le’eg ayay u diyaarsan tahay haddii uu yimaado?

You may also like

Leave a Comment