Antalya, Türkiye – 23 Nofeembar 2026: Shirkii 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), oo ka socday magaalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa Axaddii 22-ka Nofeembar ku soo dhammaaday iyada oo aan dalalku gaarin heshiiskii guud ee siyaasadeed ee la doonayay. Shirka oo loo qorsheeyay inuu dhammaado 20-ka Nofeembar ayaa laba maalmood dheeraad ah qaatay, kaddib wada-hadallo adag oo u dhexeeyay ku dhowaad 200 oo dal.
COP31 wuxuu noqday shirkii cimilada ee Qaramada Midoobay ugu dheeraa taariikhda, isagoo in ka badan 49 saacadood dhaafay waqtigii loogu talagalay. Labada arrimood ee ugu waaweyn ee sababay ismari-waaga waxay ahaayeen mustaqbalka shidaalka fosilka (dhuxusha, saliidda iyo gaaska) iyo maalgelinta cimilada ee dalalka soo koraya.
Akhri Warbixin hore: COP: Wax Walba Oo Ku Saabsan Shirka Sanadlaha ah ee Isbeddelka Cimilada.
Akhri Warbixin hore: Isbeddelka Cimilada: Dhibaato Weyn baa Ina Haysata!


Maxaa la isku mari waayay?
Khilaafka wuxuu salka ku hayay dukumentiga siyaasadeed ee loo bixiyay Antalya Pact, kaasi oo ahaa heshiiskii kama dambaysta ahaa ee la saxiixi lahaa si heshiis shirku ugu soo dhamaado. Balse, qoraalkii ugu dambeeyay ee la soo bandhigay 22-ka Nofeembar ma helin is-afgaradkii loo baahnaa, waxaana ugu dambayn la waayay heshiis guud oo ay dalalku wada aqbalaan.
Saddex arrimood ayaa ugu waaweynaa khilaafka: maqnaanshaha ballanqaad cad oo ku saabsan ka guurista shidaalka, maalgelinta laqabsiga cimilada oo noqotay mid aan ku filnayn dalalka soo koraya, iyo tallaabooyin lagu dhimayo kuleylka aduunka oo lagu tilmaamay ku aan si cad uga jawaabayn digniinaha sayniska ee ku saabsan xadka kulaylka adduunka ee 1.5°C.
Go’aannada COP waxaa lagu gaaraa habka is-afgaradka guud (Consensus), taas oo ka dhigan in dalalku ay tahay inay wada aqbalaan natiijada. Sidaas darteed, diidmada dalal qaarkood ayaa hor istaagi karta ansixinta heshiiska. Ilaa 40 dal ayaa la sheegay inay diideen heshiiskii ugu dambeeyay ee lasoo bandhigay dhamaadkii shirka.
Shidaalka fosilka iyo teknaloojiyadda CCUS: Khilaafka ugu weyn
Dalal badan, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, UK, Norway, Panama iyo dalal jasiirado ah, ayaa doonayay in heshiiska lagu daro ballanqaad cad oo ku saabsan ka guurista dhuxusha, saliidda iyo gaaska. Waxay ku doodeen in aan la gaari karin heshiis wax ku ool ah iyadoo aan la xusin ilaha ugu waaweyn ee sababay qiiqa keenay kulaylka adduunka.
Dhanka kale, Sacuudiga, Ruushka iyo dalal kale oo shidaalka soo saara ayaa ka soo horjeestay in heshiiska lagu daro luuqad si gaar ah u xaddidaysa shidaalka fosilka in laga guurayo ama la joojiyo. Waxay sheegeen oo taageereen in la heli laro xalal kale, sida tiknoolajiyadeed, sida Carbon Capture, Utilisation and Storage (CCUS), ay qayb ka noqdaan dadaallada cimilada.
CCUS waa tiknoolajiyad lagu qabto kaarboonka (CO₂) ka hor inta uusan hawada gelin, dabadeedna la kaydiyo ama loo adeegsado warshado. Dalalka taageera waxay u arkaan hab lagu dhimayo qiiqa warshadaha shidaalka, iyada oo aan la joojin, halka ururrada deegaanka ay ka cabsi qabaan in shirkadaha shidaalku u adeegsadaan marmarsiiyo ay ku sii wataan soo saarista saliidda iyo gaaska.
Ku dhowaad 40 dal ayaa si kala duwan u muujiyay diidmo ama walaac ku saabsan qoraalkii ugu dambeeyay. Tani waxay meesha ka saartay rajadii laga qabay in heshiis tanaasul ah la gaaro.
Maalgelinta cimilada: Dalalka soo koraya oo dalbanayay dhaqaale cad
Maalgelinta cimilada (Climate Finance) ayaa ahayd qodobka labaad ee ugu weyn ee la isku mari waayay. Afrika, dalalka ugu horumarka yar ee loo yaqaano “LDCs” iyo dalalka jasiiradaha yaryar waxay dalbanayeen in dalalka horumaray ay bixiyaan dhaqaale ku filan oo la saadaalin karo, si loogu taageero la qabsiga cimilada iyo khasaaraha ka dhasha.
Qabyo-qoraalladii hore ee COP31 waxaa ku jiray soo jeedin ah in maalgelinta la qabsiga cimilada (Adaptation Finance) la gaarsiiyo ugu yaraan 120 bilyan oo doollar marka la gaaro 2035. Hase yeeshee, bartilmaameedkan lacagta ah ayaa laga saaray qoraalkii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddelay qorshe guud oo ku saabsan saddex-jibbaaridda maalgelinta, iyadoo aan la cayimin lacag iyo hannaan fulineed oo cad.
Dalalka soo koraya waxay arrintan u arkeen dib-u-dhac, iyagoo ku dooday in dalalka taariikh ahaan qiiqa badan sii daayay ay leeyihiin mas’uuliyad weyn oo ku saabsan taageerada dhaqaale. Waxay sidoo kale dalbadeen in la kordhiyo maalgelinta Loss and Damage Fund, si loo taageero bulshooyinka wajahaya khasaaraha aan laga hortagi karin ee isbeddelka cimilada.
Dhanka kale, Midowga Yurub wuxuu ku dooday in uusan keligiis qaadi karin mas’uuliyadda maalgelinta caalamiga ah, isla markaana dalalka dhaqaalaha waaweyn, oo ay ku jiraan Shiinaha iyo dalalka hodanka ah ee Khaliijka, ay tahay inay qayb ka qaataan taageerada dhaqaale.
Shiinaha, oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu weyn dunida, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan fashilka heshiiska, balse wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo iskaashiga caalamiga ah. Doorkiisa maalgelinta cimilada ayaa weli ka mid ah doodaha u dhexeeya dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya.
Maqnaanshaha wafdi rasmi ah oo dowladda federaalka Maraykanka matala ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay jawiga wada-hadallada, gaar ahaan doorka Maraykanka ee hoggaaminta siyaasadeed iyo maalgelinta cimilada. Si kastaba ha ahaatee, wakiillo ka socday gobollo, magaalooyin iyo hay’ado kale oo Maraykan ah ayaa ka qaybgalay shirka.
Akhri Warbixin Hore: Baaqa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Shirka Isbeddelka Cimilada COP31


Afrika iyo dalalka nugul: Niyad-jab ku saabsan maalgelinta
Afrika iyo dalalka ugu horumarka yar ayaa ka mid ahaa kooxaha sida weyn uga walaacsanaa natiijada shirka. Inkastoo qaaraddu ay si gaar ah ugu nugushahay abaaraha, fatahaadaha iyo biyo yaraanta, haddana dalal badan ayaa weli ku dhibban helitaanka dhaqaale ay ku dhistaan kaabayaal adkaysi u leh cimilada.
Wafdiga Kenya iyo wakiillo kale oo Afrikaan ah ayaa dhaliilay maqnaanshaha ballanqaadyo maaliyadeed oo cad. Zanetor Agyeman-Rawlings oo Ghana ka socotay, isla markaana hoggaaminaysay kooxda Afrika ee wada-hadallada cimilada, ayaa ku baaqday in la dejiyo jadwal iyo hannaan la isla xisaabtami karo oo lagu kordhinayo maalgelinta la qabsiga.
Balse, dalalka Afrika iyo kuwa soo koraya dhammaantood isku mowqif ma ahayn. Qaar waxay muujiyeen diidmo xooggan, halka qaar kalena ay diyaar u ahaayeen inay taageeraan heshiis tanaasul ah, inkastoo ay ka niyad-jabsanaayeen natiijada maalgelinta.
Heshiis la’aan, balse dhammaan COP31 ma fashilmin
Inkasta oo Antalya Pact aan la ansixin, haddana sax ma aha in la yiraahdo dhammaan wada-hadalladii COP31 waxba kama soo bixin.
Waxaa la ansixiyay go’aanno kale oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Global Goal on Adaptation, Adaptation Fund iyo Just Transition Work Programme. Waxaa sidoo kale jiray dadaallo iyo ballanqaadyo la xiriira korontada, tamarta nadiifta ah iyo adkeysiga bulshada.
Hase yeeshee, heshiiskii guud ee siyaasadeed iyo qaar ka mid ah go’aannadii kale ee muhiimka ahaa ayaa ku guuldarraystay inay helaan is-afgarad. Sidaas darteed, fashilka COP31 wuxuu ahaa mid ku saabsan heshiisyadii waaweynaa ee siyaasadeed, balse ma uusan burin heshiisyadii hore sida Paris Agreement.
Maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya? Indhaha oo loo jeediyo COP32
Natiijada COP31 waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka aadka ugu nugul isbeddelka cimilada. Abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, biyo yaraanta iyo khasaaraha ku yimaada beeraha iyo xoolaha ayaa si toos ah u saameeya nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya waxay u baahan tahay maalgelin la taaban karo oo lagu xoojiyo la qabsiga cimilada, nidaamyada digniinta hore, maaraynta biyaha, beeraha adkaysiga u leh cimilada iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Waxaa sidoo kale muhiim ah in dalka uu xoojiyo awoodda wafdigiisa wada-hadallada cimilada, si uu si joogto ah uga qayb qaato doodaha ku saabsan maalgelinta, la qabsiga iyo khasaaraha cimilada.
Shirka xiga ee COP32 waxaa lagu qaban doonaa Addis Ababa, Itoobiya, bisha Nofeembar 2027. Tani waxay Afrika siinaysaa fursad ay ku hormariso mudnaanta qaaradda, gaar ahaan maalgelinta la qabsiga cimilada, Loss and Damage, sugnaanta biyaha iyo cuntada, iyo helitaanka dhaqaale si toos ah u gaara dalalka nugul.
Gunaanad: Fashil heshiis, balse aan ahayn dhammaadka iskaashiga cimilada
COP31 wuxuu muujiyay sida ay u adag tahay in dalalku isku raacaan tallaabooyin taabanaya danahooda dhaqaale, siyaasadeed iyo tamareed. Khilaafka shidaalka fosilka iyo maalgelinta cimilada ayaa meesha ka saaray fursaddii heshiis guud lagu gaari lahaa.
Hase yeeshee, iskaashiga caalamiga ah ma dhammaan, heshiisyadii hore weli way jiraan, waxaana fursadda xigta noqon doonta COP32 ee Addis Ababa. Afrika waxay u baahan tahay in shirkaasi uusan ku ekaan ballanqaadyo siyaasadeed, balse uu keeno maalgelin la taaban karo iyo tallaabooyin wax ka beddela nolosha dadka ay sida daran u saameeyeen isbeddelka cimilada.