Yurub | Luulyo 2025 – Ku dhowaad 2,300 qof ayaa lagu warramayaa inay u dhinteen sababo la xiriira kulaylka daran ee ku dhuftay 12 magaalo oo ku yaala dalalka Yurub.
Dhimashadan xad dhaafka ah waxa ay dhacday intii lagu guda jiray mowjado kulayl aad u daran ah oo socday mudo 10 cisho ah, taasoo dhammaatay toddobaadkii hore. Daraasad cusub oo soo baxday ayaa sheegtay in Saddex meelood Laba Meel ay dhimashadaas si toos ah ula xiriirto saameynta Isbeddelka Cimilada.
Daraasaddan waxay si gaar ah diirada saartay muddadii u dhaxeysay 23-ka Juun ilaa 2-da Luulyo ee bishan, markaasoo qaybo badan oo Galbeedka Yurub ah ay ka jireen kulayl daran. Xiligaas heerkulka dalka Spain ayaa gaaray 40°C degree, halka Faransiiskana ay jiireen dabeylo waaweyn oo dhaliyay dab (wildfires) gubasho ka gaystay magaalada Marseille iyo kaymo u dhaw.
Daraasadda waxaa lagu eegay 12 magaalo oo ay ku nool yihiin in ka badan 30 milyan oo qof, oo ay ka mid yihiin Barcelona, Madrid, London iyo Milan. Waxaana lagu ogaaday in heerkulka mowjadaha kulaylka ku dhuftay magaalooyinkan ay kor ugu kaceen ilaa 4°C sababo la xiriira isbeddelka cimilada.

Sida ay dadkani u dhinteen
Waxaa la qiyaasayaa in 1,500 oo ka mid ah 2,300 qof ee geeriyootay ay sababtoodu ahayd sida uu isbeddelka cimiladu isu rogay oo keenay kuleyl aad u daran, sida lagu sheegay daraasadda oo ay sameeyeen in ka badan 12 cilmi-baare oo ka kala socday hay’ado cilmiyeed oo fadhigoodu yahay dalalka UK, Netherlands, Denmark iyo Switzerland.
Cilmi-baarayaashu waxay adeegsanayeen habab la aqoonsan yahay oo xagga caafimaadka iyo dhimashada ee la soo ururiyey si loo qiyaaso tirada dhabta ah ee dhimashada. Xogta ay baahiyeen waxay muujineysaa dhimasho uu kulaylka si toos ah ama si dadban u sababay sida inuu sababay iney xaaladooda sii darsato dad cudurro horay ula noolaa.
Si loo fahmo kaalinta isbeddelka cimiladu ku leeyahay mowjadahan kulaylka ah, cilmi-baarayaashu waxay isbarbar dhigeen heerkulka mowjadda kulaylka ee hadda iyo mid dhici lahaa haddii aysan jirin kulayl sii kordhaya oo ay sababaan gaasaska (Greenhouse gases) hawada sare ee dhulka kululeeya.
Waxaa la ogaaday in mowjadda kulaylka ay ahaan lahayd 2 ilaa 4 darajo mid ka qabow haddii uusan jirin isbeddel cimiladeed uu sababay bani’aadamka. Heerkulkaas dheeraadka ah wuxuu si gaar ah khatar ugu yahay dadka da’da ah, carruurta yaryar, dadka xanuunsan, iyo kuwa ka shaqeeya bannaanka muddo dheer oo aan nasasho lahayn.



Juuntii ugu kululeyd!
Hay’adda Copernicus Climate Change Service ee Midowga Yurub waxey sheegtay in bishii Juun ee sanadkan ay noqotay bisha Juun ee saddexaad ee ugu kululeyd adduunka, iyadoo labadii sano ee ka horeeyay ee (2023 & 2024) ay ka horeeyaan dhanka kuleylka.
Galbeedka Yurub ayaa la kulmay Juuntii ugu kululeyd abid, iyadoo meelo badan ay la kulmeen culays kulayl aad u daran.
Sanadkii 2023, cilmi-baarayaal Yurub ah waxay soo wariyeen in ilaa 61,000 oo qof ay u dhinteen mowjadaha kulaylka xagaagii hore, taasoo muujineysa in dadaallada lagula tacaalayo kulaylka ay weli aad u hooseeyaan.
HALKA KA DAAWO MUUQAAL SOO KOOBAYA SIDA ADUUNKA LOOGA DAREEMAYO KULEYLKA SII KORDHAYA IYO SAAMAYNTIISA.
W/Q: Abdulshakur Mohamud