Muqdisho: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa ka qayb-galay Bandhig Dhaqameedkii 3-aad ee Muqdisho oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka, Cilmi Baarista & Akhriska ee Aw-Jaamac.
Halku-dhigga bandhigga ee sanadka ayaa lagu muujiyay waxyeelada Bacdu u gaysato deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay isticmaalka Danbiisha ay sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo waraysi siiyay Green Media Initiative, ayaa ka warbixiyay dadaalada ay wasaaradda Deegaanka & Isbadalka Cimilada- JFS ah gelinayso sidii dalka looga joojin lahaa bacda si loo ilaaliyo muuqaalka iyo caafimaadka deegaanka iyo noolaha.
Halkan ka daawo waraysiga Wasiir Axmed Cumar.