Muqdisho: Cusmaan Yuusuf Cusmaan (Oscar), u dhadhaqaaqe arrimaha deegaanka, oo ka mid ah qurbe joogta dalka dib ugu soo laabtay, waxa uu kamid yahay dadka sida wayn usoo dhaweeyay Green Media Initiative, GMI oo noqonaysa warbaahintii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo si joogta ah diiradda u saaraysa wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka, ka diyaar garawga Isbadalka Cimilada iyo horumarinta Waxsoosaarka dalka.
Cusmaan Yuusuf, oo dadku ay ku yaqaanaan dadaalada uu ku bixiyo dhiraynta wadooyinka iyo darjiimanka caasimadda Muqdisho ayaa rumaysan in warbaahinta GMI ay kaalin wayn ka qaadan doonto sidii xal waara loogu heli lahaa saamaynta Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya, loo kordhin lahaa aqoonta bulshada ee arimaha deegaanka, la dagaalanka xaalufka iyo kobcinta waxsoosaarka gudaha.
“GMI wax weyn ayey soo kordhineysaa, waa warbaahinta ugu haboon ee ka hadalka arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada”. Ayuu yiri Cusmaan Oscar.
Lingaxa hoose ku dhufo si aad u daawato waraysi ay GMI ka qaaday Cusmaan Yuusuf Oscar.